WARBIXIN:- SIYAASADDA SOOMAALIYA CALOOSHAA TAAGAN.!!WQ-Dulyar

 -SIYAASADDA SOOMAALIYA CALOOSHAA TAAGAN EE HALA QARAS BIXIYO.!!


Tan iyo markii dib loo soo dhisay 20 sano ka hor dowladnimada 🇸🇴 Soomaaliya iyo maanta oo la joogo waxa laga wada hadlayaa waa isla wixii berigaas laga wada hadlayay, mana aragno isbadel dhab ah oo ku yimid habdhaqankeena Siyaasadeed iyo tan bulsho ama wax waayo aragnimo ah oo aan ka kororsanay sanadahii ina soomaray.


•Waayoo sida  Madaxda na soomarta loo eedeynayaa waa isla sidii waagaas un loo eedeyn jiray Sida, Musuqmaasuq,Waxqabad la’aan,Amni xumo, Kooxeysi, Eex & Cadaalad daro, oo wax isbadelay malaha 


•Muqdisho iyaduna waa iska sidii oo sidii baa layskula wada joogaa la iskuna dhibaateynayaa dadkana loogu dhex dilaa ama qaraxyadu uga dhacaan hadana ay dhismayaasha waaweyni uga socdaan oo loo sii dhisayaa.


•AlShabaab sidii bey dalka dagaalo iyo qaraxyo uga wadaan oo lagama awood badiyo,iyaguna sidii bey Duurka  ama degmooyinka iyo dhuumaaleysi ugu jiraan oo dowlada uma awood sheegtaan, Hadii dhib Amni daro dhacana sidii baan ugu wada eedeynaa Madaxda Amniga iyo Madaxda sare ee dalka oo marna wax iskama badelaan Anaguna wax iskama badelno oo maalmo calaacal & is dhaliilid ah ka dib meel kalaan uga gudubnaa.


•Destuurka dalku sidii buu qabyo u yahay, Xildhibaanaduna sidii bey warqadihiisa u sitaan oo Baarlamaanba Kan ka dambeeya ugu wareejiyaa, 

-4.5 iyo Qabyaaladu sidii bey wax noogu go’aamiyaan xilalkana loogu qeybsadaa, -Madaxduna sidii bey 4-tii sanaba qolo cusubi noogu timaadaa oo hadana nooga tagtaa ,weliba sidii baan marka horena ugu wada sacbinaa una soo dhaweynaa,  Marka dambana ula wada dagaalnaa oo u habaarnaa. Iyaguna dhaqankooda ma bedelaan Anaguna wax iskama badelno.


•Dadkuna sidii bey uga wada hadlayaan Hebel muxuu qabtay,Hebel muxuu yiri,Hebel socod badanaa, Hebel haleyla taageero, iyo Hebel waa mucaarad oo leysugu wada mashquulsan yahay, misana sidii baan Madaxda mucaarad iyo muxaafid xaflado soo dhaweyn iyo sii dhaweyn ah ugu wada qabanaa, ee marna kama wada hadalno Arin iyo wax dalka iyo inaga dan inoo ah.


•Masuul kasta hadii leys qabto inuu danta dalka iyo dadka wax walba uga tanasulo lagama yaabo, Anaguna ugama baran ee sidii baa mid waliba howlkasta  oo  Qaranka dan u ah uga hor mariyaa dantiisa gaarka ah, Anaguna sidii baan midba maalinta uu doobinayo ugu sacaba tunaa uguna garab siinaa qaladkiisa oo taa kama ilbaxno.


Halkaas markeey taagan tahay Anigu waxaan isleeyahay Siyaasadda Soomaaliya calooshaa taagane caloosha hala socodsiiyo oo hala qaras bixiyo  si aan wax ka bedelan ula nimaano waxaan isku midka ah ee  20-ka sano nagu soo noqnoqanaya ee aan ku jahawareernay, hadii kale haka yaabina horay uma soconeyno ee sidaan unbaan isaga daba wareegi doonaaye ogaada.


WQ/- Abdulkadir Dulyar 

Muqdisho.!!


#MAXAAYAABISDABAYAAL.! !



Abdulkadir dulyar Friday, January 29, 2021
SHEEKO:- ARDEY & CASEEYE.

SHEEKO: ARDEY & CASEEYE.!!


 Isagoo gacanta bidix ku sita gasac ay ugu jiraan agabkiisa shaqada "luujito, burush, iwm", midigtana ku wata gaari caruureed ka sameysan ul loo qoray hab farsamo leh iyo taayiro ka sameysan kab dacas ah oo si farshaxameysan loo jaray ayuu iigu yimid meel aan shaah ka cabayay. 

Wuxuu igu yiri " kabaha ma kuu caseeyaa? Haa, kaalay si fiican iigu caseey" Markuu arkay kabaheyga oo dun ka sameysan una baahan dhaqitaan ayuu isagoo ka xun igu yiri "ma heysto shaambo ee hoo kabahaaga! Abti waxba shaambo ha isku hawline sidooda iigu tirtir" .

Axmed Sahal Cabdullaahi oo ah nin dhalinyaro Soomaaliyeed oo Muqdisho jooga wiilkan yarna la kulmay ayaa waxuu yiri hawshii markuu ii dhameeyay buu ii keenay kabaheygii oo kuwo cusub u eg, 

Waxaan weydiiyay magaciisa iyo da'diisa wuxuu ii sheegay magaciisa oo aanan rabin inaan halkan ku xuso rabitaan ehelkiisa dartood, wuxuuna ii raacshay in uu lix sano jir yahay, waxaan weydiiyay lambarka aan lacagtiisa ugu diro, wuxuu ii sheegay inuusan lambar wadan ee aan lacagta ugu diro lambarka hooyadiis wuuna ii yeeriyay, sawirkaan ayaan ka qaaday isagoo isha laraacaya Caruur iskooley ah oo laamiga goyneysay, markuu iga dhaqaaqay ayaan arkay isagoo caga cad wax kabo ahna aan wadan.

Intaan u yeeray baan weydiiyay "Abti aaway kabahaagii qashinku in ay cagaha kaa dhaawacaan miyaadan ka baqaneyn?" Cod naxuus ah ayuu igu yiri "kabo maheysto Abti, sababtoo ah lacag aan ku gataba ma heysto" waxaan ku dhahay inta dukaamadaan noo dhow tagtid kabo kula eg ka soo fiirso "haye inta yiri buu isagoo faraxsan iga dhaqaaqay, cabaar kadib buu iisoo laabtay wuxuuna iisheegay inuu soo helay, markaan meeshii tagnay ayaa waxaa noo yimid mid saaxiibkiis ah oo isagana kabo la' balse ka da' weyn shan sano oo kale qiyaasteyda. labadoodii  kabo la eg bay meesha ka heleen, waxay se maskaxdeydu ka hoyan weysay qoyskii uu lix jir u soo shaqo tagay xaalkooda.

Waxaan wacay lambarkii aan lacagta ku diray, durba hooyadii baa iga qabatay, waxaan weydiiyay wax barashada wiilkeeda iyo baahida ku kaliftay inuu caruur lix jir ah reerka u xamaalo, waxay iisheegtay in reerku uusan gaarin heer ay wax barsho ka bixiyaan oo noloshii lagdan kula jiraan, balse ay jecleysaneyso inay wax u baartaan caruurteeda sida kuwa la filka ah, waxaan weydiiyay inaan arinkooda u bandhigi karo bulshada Soomaaliyeed ee kheyrka jecel, wayna soo dhoweysay arinkaas

Haddaba walaalayaal Dar ilaahey qof kasta inta uu u awoodo ha ku caawiyo wiilkaas yar oo uu ka kaabi karo mustaqbalkiisa, wax barashadiisa iyo tan qoyskiisaba wax ha ugu taro, fadlan lambarka Hooyo Khadiijo qofkii rabo in uu wax ugu diro waa kan. 

EVC plus 619385899 dadka dibada joogana waxa ay ku diri karaan 252- 619385899 Hooyo Khadjiijo.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.




Abdulkadir dulyar
SHEEKADA BULSHADA KU CUSUB SIDEE LOO XALIYAA.!!!



SHEEKADA BULSHADA KU CUSUB SIDEE LOO XALIYAA.!!


Markay timaado Sheeko Bulshada ka yaabisa oo ku cusub, waxaa waajiba in Buugaagta Taariikhda Dib loo eego iyo Noocyadii loo xaliyay, waxaynu soo Qaadan Doonaa Qisadii Saving Private Ryan, Qisadan waxaa laga Qoray Buugaag fara Badan, kuwaas oo uu ugu Caansanaa Buugga “Saving Private Ryan,” kaas oo laga matalay Filimka Caanka Noqday ee uu matalo Actor ka wayn Tom Hanks,  looguna Magac Daray Buugaa Qisadiisa Laga Matalay ee Saving Private Ryan.

Waxaa kale oo Markii Qisadani Dhacday Dalka Maraykanka Laga Hirgaliyey Xeerka Sole Survivor Policy ama DoD Directive 1315.15 "Special Separation Policies for Survivorship"

Hadii aanad daawan Saving Private Ryan waa filim Dagaal ah, Waliba noocii aynu u Naqaanay Dab iyo holaca , waxaa laga Matalay Dagaalkii Labaad ee Aduunka Gaar ahaan Dagaalkii Caanka ahaa ee Qabsashadii Normandy (Invasion of Normandy) oo Dhacay 6 June 1944, Waxaa kale oo laga Qoray Buugaag farabadan,

Filimkan Dagaalada ku jira marka laga yimaado waxaa ku dhex jirta Qiso Cajiiba oo kaa Qiiraysiinaysa, Qisadani waa Qiso Dhab u Dhacday (True Story).

Qisadani waxay ku Saabsan tahay Xiligii Dagaalkii Labaad ee Aduunka, Hooyo Afar Inan Dhashay ayaa afarteedii inanba waxay Qoraysaa Ciidanka waxaanay u Ogolaanaysaa Inay ka Qayb Galaan Dagaalkii labaad ee Aduunka, Sida aynu Maqalnay In badan oo inaga mid ahi Dagaalka labaad wuxuu ahaa mid lagu Hoobtay oo Dhimashada dhinacyadu ay Gaadhay meel aan la malaysan karin 70–85 million oo ahaa 3% Dadkii Dunida xiligaa ku Noolaa.


Hadaba Hooyadii afarta inan ee kaliya Lahayd ee Dhamaantoodba u Dirtay Dagaalka ayaa waxaa Dagaalkii ku Dhimanaya Sadex kamida, kii Afraadna oo Magaciisu ahaa James Francis Ryan, wuxuu la socdaa Guuto ku Jirta Halka ugu xun Dagaalka oo ay ku Hareeraysan yihiin Ciidamada Jarmalku.


Arinku Markuu Halkaa Marayo ayaa waxaa ku Baraarugaya Saxaafada oo wax ka Qoraysa, Bulshada Maraykan oo Dhan ayaa arinkii Dhagta u taagaya. Wasaaradii Gaashaan Dhiga ee Maraykanka ayaa ay talo ku cadaanaysaa, Waayo HADII UU INAN AFRAAD EE RYAN DHINTO HOOYO DAMBE OO MARAYKAN AHI INANKEEDA UMA DIRI DOONTO DAGAALKA, HOOYADII UU INANKEEDU KU JIRAYNA WAXAY KU DADAALAYSAA SIDAY UGA SOO SAARI LAHAYD, Arinkaasi haduu dhacona Maraykanka iyo xulufadiisu way ku jabayaan Dagaalka waayo Maraykanku wuxuu Dagaalka ka yahay Dalka ugu awooda Badan uguna saanada Casrisan, Madaxda Wasaarada Gaashaan-Dhiguna in Dhibtaasi Dhacdo Sinaba uma Ogolaanayaan.

Arinkaa waxaa Daraasad ku sameeyay Madaxii Arimaha Dagaalada Maraykanka  (U.S. War Department), General George Marshall, Kadibna Waxaa uu Qaadanayaa Go'aan Adag waxaanu Ryan u Dirayaa Battalion Ciidamada Kamaandowsta ah oo Magacoodu ahaa (2nd Ranger Battalion), waxaana watay Captain John H. Miller, Battalion kaa oo waajibaadka ay u xilsaaran yihiin tahay in ay inankaa soo Badbaadiyaan Arinkooduna uu yahay Geeri Ama inay soo Badbaadiyaan inankaa Ryan "Geeri ama Guusha Nololeed", waayo waxaa kasoo sokeeya kumanaan Ciidamadii Jarmalka ah oo si adag u Hubaysan, Ciidamadii waxay Dagaal Qadhaadh la Galayaan Dufaacii Ciidamadii Jarmalka, Dagaalkaas oo Bilaabmaya Subaxdii hore ee 6 June ee sanadkii 1944,, iyaga oo laga rabo inay ka Gudbaan xeebta "Omaha Beach", Dhimashaduna waxay Gaadhaysaa Meel aan la Malaysan karin.

Ugu Dambayntiina Captain Miller iyo Ciidankiisu waxay Jiidhayaan Dufaacyadii Garmalka waanay ku Guulaysanayaan Inay inankii Ryan nolol ku Gaadhaan Soona Badbaadiyaan.

Sidaasay tahay Guushaasi waxay Galaafanaysaa Sadex Meelood Laba Meelood Ciidankii 2nd Ranger Battalion ee uu watay Captain Miller, kuwaas oo ay tiradoodu Gaadhaysay kumanaan.


Hadaba Hadii aynu eegno James Francis Ryan, ma istaahilayay in waxaas oo Hawl ah la Galiyo Badbaadintiisa, waxaynu odhan karnaa Haa, waayo Hadii uu Dhiman lahaa waxaa Dirayska Tuuri lahaa kala badh Ciidamada Maraykanka ee ka Qayb Qaadanayay Dagaalkii Labaad oo tiradoodu ka Badnayd Malaayiin, Ciidan cusub oo la Qorana Hadalkooda Daa, waxaa ka Dhici lahayd Allaw yaanan Goblamin.


Maanta dalkeena waxaa ku badan sheekooyinka cusub ee aaney bulshadeenu horey u aqoon, kuwaas oo abuura Muran iyo khilaafaad joogta ah, mana jiro marjac ama taariikh qoran oo aynu ula laabano, sidaas daraadeed yooyootan iyo fara indho iska gelin ayaan aakhirka waxeena ku dhameysanaa midka kalena ku sugnaa, ilaa qiyaamahana sidaas unbeynu dabada isu wada heysan doonaa oo waa maalinba waa sheeko cusub iyo muran cusub.


Garyaqaan Ahmed S. Mirre.


Maxaa yaab isdabayaal.!!


 

Abdulkadir dulyar
SHEEKO:- JACEYL AAN LA AAMUSNAA 4 SANO.

 SHEEKO:- JACEYL AAN LA AAMUSNAA 4 SANO.


Waxey aheyd ardey nimadeydii,waxaan ahaa glass ka koowaad ee dugsiga sare ee Baarbe, waxaan isku fasal aheyn dhowr gabdhood oo dedaal badan xaga waxbarashada, marka la gaaro bareega iyagu dibadeey uga baxaan glass ka oo waxey aadaan maqaayad yar oo ku dhex tiilay Schoolka oo lagu iibiyo Sheetaro, Anaguna waxaan kab ku ciyaarnaa rogooro rigooro ah miisaska iyo kuraasta glasska dhexdooda.


Waagaas Gabdhaha iyo Wiilashu waxey ahaayeen isku lebis “Suweel iyo Shaar “ waxaan ku kala duwaneyn oo keliya gambada madaxa u saaran, lama kala soocneyn oo waa leysla fadhiisan jirey,misna naguma jirin Wiilasheena qof ka mid ah oo maalin lagu xantay in  heblaayo glass ka nala dhigata ay wax ka dhexeeyaan, waxeyna wada ahaayeen dhamaantood walaalaheen oo kale, aadna waan u  ixtiraami jirney, mararka qaar waxaaba dhici jirtay inaan dartood dagaal u galno marka mid ka mid ay dulmiyaan dhalinyarada kale ee Schoolka nala dhigata, waxaana isla dhameynay gabdhahaas ilaa Foom 4, 


Hadaba waxaa jirtey inaan sanadkii koowaadba aan Anigu Jaceyl caato ah u qaaday gabar dhigata glass ka nagu dhegan oo la saaxiib ah gabadh aan isku glass nahay, gabdhaasi maalin kasta marka la gaaro bareega  iyo marka xiisaduhu dhamaadaan ee la baxayo waxey u timaadaa gabadha aan isku glass ka nahay, jaceylkeyguna waa mid ka beernay aragtideeda, waayoo waxey aheyd gabar ilaaheey qurux gaar ah oo nooca aan Anigu ugu jeclahay dumarka uu ugu deeqay, sidaas daraadeed waxaan jeclaa inaan maalin walba arko marka ay saaxiibteed u imaaneyso, maalinta aan waayo waa ii aheyd maalin baas oo xaalkeygu ma degana, xitaa ma awoodo gabadhan aan isku glass ka nahay geesinimo aan ku weydiiyo waxa maanta ku dhacay saaxiibteed, ee waxaan welwelkeyga ku gaaraa ilaa maalinta xigta aan ka arkayo, 


Anigu ilbax kuma aheyn jaceylka,iyaduna iimaba ogeyn inaan jeclahay, markii aan u soo wada gudubnay Foom 2 , ayaa waxaa dhacday inaan maalin inta naf isgeliyey aan kalmado kaftan ah ku tuuray, hase yeeshee jawaabtii ay i siisay iyo dhoola cadeyn teedii ayaan mar labaad awoodi waayey inaan hadalka la sii wado, maalintaasna galinkii dambe oo dhan casharadii la qaatey Anigu waxba kalama socon ee glass ka waan iska dhex fadhiyey waxaana ku soo celceshanayey jawaabtii ay  siiyey iyo qosolkeedii yaraa, kaas oo igu sii beeray dareen kale oo iga dahsoonaa, mararka qaar habeenkii ayaan isku soo dhiirigeliyaa inaan biri la hadlo bal si aan isugu soo dhawaano, misna maalintii markaan arko baraf baan noqdaa oo markaan fursad u helo waxaan kala hadlaa casharada Schoolka iyo wax aan loo joogin, maadaama goobta dad kale nala joogaan. 


Waxaan sidaa ahaadaba waxaa la gaaray sanadkii 4aad oo ah sanadkii ugu dambeeyay Schoolka, labadayaduba waxaan noqonay kurayo si fiican loo korshay oo kale, waxaana la soo baxnay dhaldhalaal indho qabad leh, hase yeeshee midkeen waxaa heysta ayaandaro weyn oo ah Jaceyl keliyeystay naftiisa, waxaan bilaabay inaan iyada iyo saaxiibteed maalin kasta marka Schoolka laga baxayo aan ku soo lug darsado, labada gabdhood waxaa gurigoodu sokeeyaa  mida aan isku glasska nahay,tan aan jeclaheyna waxoogas ayey ka durugsan tahay,oo marka ay gurigooda nooga leexato waxaa isku soo harna Aniga iyo Inanta aan jeclahay,Alla markaas cabsi weynaa , waayoo waxaad moodaa in waxkasta oo kaftan iyo qosol ahaa ee 3 deena noo soo socday iney la tagtay gabdhii naga leexatay, oo waxaan soo baraarugaa marka la gaaro saaxiibteey gurigooda oo ay dhegaheygu maqlaan,NABADGELYO WALAAL, markaa ayaan canaan iyo hiiftan kula dhaqaaqaa nafteyda diqonta ah ee awoodi weysay iney dhibkeeda sheegato.waxaana maalmaha qaar marka aan gurigeena tago  Anigoo aan iska bixin dharkii Schoolka isku tuuri jirey sariirta xanaaq daraadii markaas ayaa la moodi jirey inaan xanuunsanahay.


War yaan idinku daaline gabdhii Anigoo sidii u jecel ayaa Schoolkii naloo xirey, reerkoodiina ay ka guureen meeshii aan ku ogaa, markaas ayaan gabadhii ay saaxiibada ahaayeen Anigana aan isku glasska aheyn maalin uga sheekeeyay xaaladdii aan 4ta sano ku sugnaa,ilaa ay indhaheeda ilmo ka soo daadato oo ay ugu canaanato maxaad iigu sheegi weyday Anigaa kaa gaarsiin lahaa oo weliba kula garab geli lahaaye. ......Waa goorma waa goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen..............toloow hada dib ma u heli doonaa......oo ma nooshahay horta?......Yeelkeede iyadu ma i xasuusataa.....MOOYI 



WQ/- Abdulkadir Dulyar 



Maxaa yaab isdabayaal.!!






Abdulkadir dulyar
SHEEKO QOYS DHEXMARTAY.!!!

Nin iyo xaaskiisa ayaa markii mudo 11 sannadood ah guurkoodii uu kasoo wareegay ayaa waxaa u dhashay ilmahoodi ugu horeeyay oo wiil ahaa. Waxayna ahaayeen Lamaane is jecel iyadoo wiilka u dhasheyna uu u ahaa tufaaxii indhahoodu ay ku doogsanayeen. 
Haddaba maalin ka mid ah maalmaha ayaa wiilkoodi oo laba jir ah, ayaa Aabihii arkay dhalo ama qarsho daawo sharoobo ah oo furan. Wuxuu ka daahsanaa shaqo, wuxuu u sheegay xaaskiisa in ay furka ku xirto, armaajada korena saarto. Hooyadi, oo Jikada aad ugu mashquulsaneyd, gebi ahaanba way hilmaantay. Wiilki ayaa arkay dhaladi, wuu qabsaday, wuuna wada cabay. Waxay ahayd sharoobo dadka waaweyn intii loogu tala galay ay ka qaataan, caruurtuna khatar ku ah.
Goortii ilmihii dhacay, Hooyadi ayaa kula carartay cusbitaalka, halkaasoo uu ku geeriyooday. Hooyadi qaracan iyo argagax ayaa isugu darsamay. Waxay ka sii naxsaneyd sida ay Saygeedii ama ninkeedii u wajihi doonto maadaama ay arrinta sahlatay.

Markii Aabihii oo walbahaarsan uu yimid cusbitaalki uuna arkay meydka ilmihiisi uu sanadaha badan sugayay, wuxuu eegay xaaskiisii, ilmo ayaa wajigeedi qariyay. wuxuu ku yiri afar eray. 
Maxaad u maleynaysaa in ay afartaa eray ahaayeen?
Wuxuu ku yiri “Waan ku Jeclahay Gacaliso!!”
Samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.

Ficil celinta ninka ee filan waaga ah waa dabeecad ku dhisan garasho qadarta Alle, Sabur, deganaan iyo fahan nolosha ah. Inkastoo ay xanuun badneyd sida wax u dhaceen hadana Ilmihi waa dhintay. Marnaba dib looma soo celin karo. Wax natiijo ka dhalanmeyso inuu cillad iyo qalad u yeelo Hooyada. Iyaduba way weyday ilmaheedii. Waxay xilligaa u baahneyd waa Tacsi iyo Naxariis. Taasini waa wixii uu siiyay Gacaliyeheedii.

Mararka qaar walaal waxaan waqti badan ku luminaa yaa mas’uuliyada iyo eeda iska leh haday ahaan lahayeen xiriir lamaane, mid shaqo ama dad aan naqaan, waxaana na dhaafa diiranaanti ay dadka xiriirka ka dhexeeya heli lahaayeen hadday is taageeraan.

Haddaba, miyaysan ahayn wax aad u fudud inaan cafino kuwa aan jecelnahay ee inagu qaldama?
Ogsoonow: Wax kasta sabab ayay ku dhacaan. Noloshu way gaaban tahay. Ku qanacsanow waxa aad heysato. Ha shareysan xanuun, silic iyo saxariir. Badi Saburka. Cafi dadka. Xil iska saar mas’uuliyadaada. Iska tuur xasidka, xinka, maseyrka iyo naceybka, kolkaa waxaad ogaaneysaa in xaaladuhu xaqiiqdii u cusleyn sidii aad marki hore moodeysay.  
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Farah Cawaash.





Abdulkadir dulyar Thursday, January 28, 2021
PART THREE:- SOCDALKEYGI BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY.!!

 •SOCDAALKEYGI BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY.!!! 


-PART THREE:-


• Sidee naloo soo daayay  maxaase dhacay?


Subaxaas Aniga waxaa leygu soo daayey shuruud la ii soo faray bahdeydii Saxaafadda oo dedaal badan ku bixiyey sidii naloo siideyn lahaa, markeey ii yimaadeena waxey igu yiraahdeen,Sxb Wasiir Muqtaar iyo MD/K/Xigeen Dabageed iyo saraakiishii kaleba waxey soojeediyeen Dulyar inuusan Saxaafadda lahadlin ee maxaa talo ah, mar waxaan damcay inaan fariintaa iska diido oo aan iska sii xirnaado, marna waxaan qiimeeyay bahdeyda shuruudaas ii soo qaaday, dood yar kadibna waxaan ku iri,Sxbayaal horta hadii aanan halkaan ku hadlin waxaan ku hadli doonaa Muqdisho, ee taa iga gaarsiiya madaxda shuruud dan idiin soo dhiibtay waana idinka aqbalay inaanan Saxaafadda halkaan kula hadlin.


Dib bey ugu laabteen Madaxdii,waxeyna markale nagu soo laabteen iyagoo u idman iney xabsiga naga saaraan, hadal beyse noo sheegeen ahaa in ay markale dood adag ka galeen siideynta Sxbkeey Angola oo uu Wasiir Muqtaar si gooniya ugu dhegay, balse ay ku soo guuleysteen in aan raga lakala reebin oo aan mar qudha xabsiga ka soo wada baxno., 

 

Abaaro 01-00 dii duhurnimo ayaa Aniga,Angola Hiran iyo Mohamed Osman Makaran oo isaga subixii la soo xirey isagoo Annaga noo doodaya, waxaana u soo baxnay cadceeda duhurnimo oo aynaan markii hore ka war heyn kulkeeda, maxaabiistii aan daqiiqado ka hor soo macasalaameynay xalayna aan wada qaadanay waqtiga fiican waxey naga daawanayaan shabaqa alabaabka, dib baan u soo eegay Anigoo u gacan haatinaya cod dheerna ku leh , “SAAXIIBAYAAL NASIIB WACAN” iyaguna iney noo gacan haatinayeen ayaa iigu arag dambeysay.


Farxad iyo sawiro ayaan ku qaadanay albaabka xabsiga  bahdii Saxaafadda Hiiraan, waxaase la waayay Ninkii boorsadeyda dharka hayey oo naloo sheegay inuu dibada ku maqan yahay, hotelkii iyo qolkeenii aan xalay ka dibanay ayaan Aniga iyo Sxbkeey markale dib ula midownay, inkastoo aanan Anigu heysan dhar aan kuwii xabsiga isaga bedelo, saacado ka dib ayaase boorsadeydii leyga daba keenay, wixii markaa ka dambeeyay waxaa noo bilowday bog kale oo cusub waayoo waxaa na wada ogaatay magaalo aan awel na ogeyn, wuxuu xabsigu isku tolay magaceyga iyo muuqeyga oo awel ay dad badani  isku aqoon, wuxuu igu soo jeediyay dad kaloo markii hore ii  heystay Qurbajoog oo aan iga filaneyn inaan Baladweyne dhinac kala joogo. Waxaa hotelka nagu soo booqday dad badan oo ka xumaa xariga naloo geystay noogana tacsiyeeynayey wixii xalay dhacay, waxaan kaloo fiidnimadii la kulanay Taliyayaasha  Booliska  sida Col, Xuseen Dhicisow iyo Col, Xasan Kaafi oo aan ka wada hadalnay xarigii  iyo diruufaha ka jira xabsiga, si  fiicana aan isku soo baranay, Wixii markaa ka dambeeyay balaayo kaloo cirka nooga soo dhacda mooyee wax cabsiya kama aynaan qabin maamul iyo mucaarad dambe inaan xabsi u galno, 


Hase yeeshee, Aniga iyo Saaxiibkeey waxaan qorsheysanay inaan degdeg uga soo ambabaxno Baladweyne, waxaase maalintii xigtay nalaku wargeliyey in MW/K/Xigeenka Hirshabeelle Md Yusuf Dabadeed naloo balamiyey oo uu rabo inuu nala kulmo, sidaas ayaan ku baaqanay kulana kulanay MD Dabageed, layaab ayeyse igu noqotay markuu yiri xarigiina waxba kama ogeyn, codsigeenii ahaa inuu wareysi bixiyana uu ka cudur daartay isagoo soojeediyey maadaama uu beledka joogo Wasiirka Arimaha Gudaha  General Muqtaar in isaga wareysiga lala yeesho.


Sidoo kale waxaa maalintii xigtay ay fariini nooga timid dhanka Wasiir Muqtaar,taasoo aheyd inaan wada kulano, xili galab ah ayaan gurigiisa ugu tagnay, salan kadibna wuxuu isna noo sheegay in uusan xarigeena waxba kala socon oo uu maqlay mardambe inaan xiranahay, Maryooleey horey waxey u tiri, “Nin weyn afkaaga kala qaad aan ilkahaaga tiriyee lama yiraahdo,” Aniga oo og inuu lahaa xarigeena amarka ugu sareeya ayaan ku yiri,Wasiir shalay waxaan is aragnay Md Dabageed wuxuu nagu yiri waxba kama ogeyn xarigiina, Gudoomiye Cali Jeyte wuxuu yiri Anigu buundo dhisid baan ku maqnaa, Adiguna waxaad hada naleedahay waxba kamaan ogeyn xarigiinee  Tolloow ma Jinka Baladweyne ayaa na xiray waayaabe, intuu qoslay ayuu Wasiirku mowjada noo bedelay oo noo bilaabay sheekooyin waayo waayo ah iyo taariikho hore, mar baanse ka dhexgalay oo aan ku iri,Wasiir horta ma ogtahay in Wasaaradaadu ay markii hore aheyd Wasaaradda A/Gudaha iyo Amniga, hadese Amniga Wasaarad kale laga dhigay oo ay Adiga kuu soo hartay Arimaha Gudaha oo la macna dib u heshiisiin, intuu qoslay buu yiri Adeer Anigu nin ciidan ah baan ahay, kala aamus yar dabadeed mardambe ayuu na weydiiyay goormaad baxeysaan? Waxaan ku niri birito, laakin waxaan u raaciyey bixitaan keena ka hor inaan rabo in aan wareysi kala yeesho howlaha uu  halkaan u joogo, waa diyaar  subixii ayaan ku siinayaa,ayuu igu yiri, ... Telefoon baa markaa u soo dhacay, Annaguna sheeko ayaan dhex maquuranay, lkn Wasiirkaa hadalkii naga booboo wuxuu nagu yiri, ee waxaad sameysaan Tikidhadiina iska celiya Anigaa birito baxaya  horey ayaan isku wada raaceynaaye,....waa Ok baan ugu jawaabnay. 


Subixii waxaan u soo qalab qaadanay wareysi iyo safar , wareysigii nooma suurtagalin oo waqtigii wuxuu nooga dhamaaday xerada LAMAGALAAY dhexdeeda siduu Wasiirku isaga daba wareegayay Annaguna aan u daba soconay, weyse noo muuqatay in uu wasiirku  wareysiga ka warwareegayo, balse safarkii baa noo hirgalay oo  waxaan Wasiirka isla soo gaarnay  Muqdisho. 


Horta Safarkeyagii Baladweyne oo aan wax badan ka soo bartay islamarkaana qaatay mudo 7 maalmood ah sidaa ayuu ku soo gebagaboobay,  marka akhyaareey Ninkaa dalxiiska u baxay oo laga jiidhay baan ahaye, sow xaq uma lihi inaan idin iraahdo Baladweyne waan tegay ...........balse Wabi ma arag,Jicib ma cunin,Qoone iska daa, buundada liiqliiqsto ma tegin, Beer Lula sheekadeeda ma maqal, bullo iyo ciyaar leyma tumin, balooleeyna haba sheegin, waxaanse soo bartay runtii dad qaaliya, meeshana waxaan ku soo arkay Madax maamul wada iyo shacab wax tabanaya,....Madax xoog adeegsaneysa , iyo shacab banaanbaxyo iyo rabshado wada.......Madax wax xirxireysa misna soo deyneysa iyo shacab gob ah oo dad jecel oo wax qanciya la’ . !!!!


* Muxuu yahay hadaba xalka Hiiraan,

* Maxaa u sabab ah dib u dhaca Gobolka,

* Waa maxay sheekooyinka igu cusub ee aan ugu tegay Baladweyne.

* Waa sidee nolosha dadka iyo adeegyada bulshadu.& Qofobo kaleba......LA SOCO QEYBTA AFARAAD EE UGU DAMBEYSA TAXANAHA SOCDAALKEYGI BALADWEYNE IYO XABSIGII AAN KALA KULMAY..!! Iinshallah. 


WQ/- Abdulkadir Dulyar 


-MAXAA YAAB ISDABAYAAL.!!





Abdulkadir dulyar
PART TWO:- SOCDAALKII BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY.!!

 

SOCDAALKII BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY.!!! 

PART TWO:- 


DABADEED MAXAA DHACAY.......?


Abaarihii 10-kii habeenimo ayaa Aniga oo Hotelka jooga waxaa ii soo galay ilaa 8 ruux oo ku hubeysan Ak-47 iyo BKM -yo, durba waan dareemay in wax jiraan,lkn waxaan kala garan waayay iney Ciidamadii General Xuud oo wareysiga qoonsaday yihiin, iyo iney ciidan xaafadeed yihiin,maadaama ay dhar ahaan gashanaayeen qaarkood macawisyo iyo shaarar caadiya, qaarna ay xirnaayeen tuuraha ciidamada iyo kabo saandalo ah, intooda badan waxey ruugayeen QAAD, waxaana ka muuqday isbarbaryaac uu kolba mid amar i siinayey, marna uma qaadan ciidan ka socda maamulka Baladweyne ama kuwa Hirshabeelle, mid baase i weydiiyay magaceyga waana u sheegay, wuxuu kaloo i weydiiyay aaway Ninkii kula socday? isna waan u sheegay in uu maqan yahay, wuxuu igu yiri noo wac, Teleefoon keyga oo aan iga fogeyn ayaan soo haabtay waxaana wacay Angola,  Anigoo ku  wargeliyey in rag ciidan ah ay ila joogaan isagana ay rabaan, Ok waan kuu imaanayaa ayuu igu yiri, 


intaa ka dib, ciidanku waxey igu yiraahdeen qolkaaga na gee, ina keena ayaan ku iri, waxaana horey noo soo raacay Wiil dhalinyaro ah oo maamulaha Hotelka ah oo layiraahdo KEYDSANE , waxey baareen boorsadeyda iyo tii Angola, Nin aan u fahmay in uu maleeshiyadan hogaaminayo ayaan ku iri, Sxb Maxaa jira? Maxaadse tihiin idinku bal isku key sheega? Wuxuu iigu jawaabay waa laguu sheegayaa.... dabadeed inta gees u dhaqaaqay ayuu Teleefoon qof kale kula hadlay, Anigu weli waxaan dhex taaganahay qolka oo waxaa leygu hayaa qoryo, Wiilkii maamulaha Hotelka ahaa ayaa ku yiri, Ninkaan idinkama baxsanayee qoryaha ka leexiya, lkn isagii ayeyba handadaad ugu dhaqaaqeen, cabaar ka dib waxaa leyga qaaday teleeefoonadii waxaana leygu amray inaan soo  qaato boorsadeyda, waxaan ku iri,ma meel kale ayaa ley dejinayaa? Mise waa ley musaafurinayaa? Maxey tahay boorsada soo qaado, iyadoo aan ley jawaabin ayaa boorsadeydii la soo qaaday Anigana ley soo kaxeeyay, 


Banaanka hotelka waxaa yaalay gaari Cabdi Bile ah iyo dhowr kaloo ciidan ah,balse inteynaan albaabka hotelka ka soo bixin waxaa jaranjarada hoose nooga horyimid Angola, isna  markiiba waxaa laga qaaday taleefoonkii oo uu markaa ku hadlayey, waxaana labadayadii nala saaray gaarigii Cabdi Bilaha ahaa dushiisa, Anigu weli ma aqaan ragani waxa ay yihiin iyaguna waa diideen iney isku key sheegaan,balse Sxbkeey Angola ayaa ii sheegay iney ciidanka Maamulka magaalada yihiin, Anigoo markaa xaalkeygu baraanbar tahay ayaa nala keenay meel dhismo ah oo inta gaarigii nalaka soo dejiyey nalaku yiri gala halkaan, naloona raaciyey qolka VIP-da geeya , Markiiba Nin u carbisan howshaas oo furayaal badan gacanta ku heysta ayaa nala dhaqaaqay wuxuuna labadayadii na geeyay qol 4 mitir ah oo wasaq ah  caagado badan oo qaarkood kaadi ku jirtana ay ka buuxaan, hase yeeshee meel gees ah uu ka muuqdo sali ama Casiigad, markuu dhexdiisa nagu hubsadayna dusha ayuu nooga xiray iskana dhaqaaqay, majirin cid noo sheegtay dambiga nalaku soo xirey, balse su’aashii koowaad ee aan Sxbkeey Angola weydiiyey waxey aheyd,hadii meeshaani tahay saldhigii magaalada maxaa OOBI nalookaga qori waayay? wuxuuna iigu jawaabay...Wlhy ma aqaane horta maxey meeshaan noogu soo xireen? ....Aniguna ma aqaan baan ugu jawaabay.


•XAALADDA XABSIGA:-


Xabsigu waa mid Dhawaan la dhisay sida la ii sheegay, balse aan helin daryeel iyo nadaafad, waxaa habeenkaa nala keenay ku xirnaa oo aan ugu tagnay dhalinyaro ciidanka ka tirsan oo dambiyo kala duwan loo soo xiray, iyo dhowr qof oo shacab ah, majirin dadkaas wax Maxkamad ah oo la horgeeyay,qaar baana ii sheegay iney ku xiran yihiin saldhiga dhowr bilood, waxaa ka mid ahaa Nin cuntada ka soomay dhowr maalmood oo nuu ila hadlo diiday, waxaanse layaabay iney qaarkood daroogada xashiishka ah  isticmaalayeen, halka looga soo iibiyana wey ii sheegeen................!!!, Tankale Annaga horteen waxey heysteen telefoono  ay malaha ehaladooda kula xiriiri jireen,balse habeenkaas Annaga daraadeen ayaa looga qaaday sida ay noo sheegeen markii aan weydiinay iney wax Teleefoon ah heystaan, 


Qolku wuxuu ahaa mid kulul oo qashin badan dhexyaal, yeelkeede Anigu xabsi waan ogaa inaan raaxo loo tageyn, balse Sxbkeey Angola oo dhowr jeer ku qeyliyay Askariga furaha haya in meeshaani kulushahay oo uu Albaabka noo furo cidi dheg jalaq uma siin,markuu daalay baan ku iri: - duqa iska soo fadhiiso yaan qeyladu kaa dhamaane, maxaabiista kale ma jirin qof qol ku xirnaa  ee waxey  iska dhex socsocdeen  gudaha xabsiga oo dusha kore kaga xirnaa, mararka qaar intey shabaqa albaabka qolkeena soo istaagaan ayaan halkaa ka wada  sheekeysaneynay, kaftan iyo qosol ayaan waqti dambe ku wada gaarnay,Xitaa waxey mid mid noogu sheegeen dambiyada loo soo kala xiray,runtii waxey ahaayeen  qaarkood dhalinyaro aad u qalbi fiican, waxey Anagana na weydiiyeen sababta naloo soo xirey? Lkn taa jawaab waan u weynay, oo waxaan ku iri Akhyaareey ma naqaan sababta nalaku soo xiray,lkn waxaan u maleynayaa in  nalaku heysto maxaad General Xuud ugu tagteen, inteey nagu qosleen ayey nagu yiraahdeen taas miyaa dambi ah dadka magaalada oo dhan baa u tagee, 


2:00 AM ee habeenimo markeey gaartay ayaan ku iri Sxbkeey Angola, Sxb habeen wanaagsan oo intaan Kabaheeyga barkaday seexday, markii ugu horeysay ee aan indhaha soo kala qaaday waxaan arkay isagoo sidii u fadhiya, waxaan ku iri war maad seexatid, kuye war Ninyahow Aniga Weligeey leyma xirin meel aan seexdana ma aqaane iga leexo, intaan ku qoslay baan ku iri,Marka Safaaradaada Swedan iyo Loyar kaaga waco....wuu igu qoslay kkkk, maxaad ku qosleysaa baan ku iri meeshaan safaaradda QOONAHA ayaa ku taalee, hhhh  wixii intaa ka dambeeyayna Anigu waan  iska seexday. 


Waagii ayaa baryey, hase yeeshee Saaxiibkeey sidii aan ku ogaa buu u soo jeedaa, waxaase inyar ka dib noo soo gashay Gabar layiraahdo MARYAN oo quraac iyo shaah iyo cabitaanba noo wada, labadayaduba ma naqaano, balse , sida ay mardambe noo sheegtay waxaa ku soo wargeliyey inaan xiranahay Wariye MAKARAAN oo ku yiri bal ragaa ka war doon, Anigana waxey igu taqaanay Social Media, dhabtii waxey noo muujisay iney aad uga xun tahay waxa nagu dhacay,waxey canaan kala dul dhacday kuwii halkaan na keenay, qolkaan wasaqda badana nagu soo xiray, waxey noo sameysay wax kasta oo ay awoodi karto, xitaa waxey isku dayday iney joodariyaal noo keento,Annagaa ka diidnay mooyee, sidoo kale saacad ka dib waxa uu qolkeenii 4-ta mitir ahaa isku bedelay goob ay casuumadi ka jirto, waxaana soo camiray dad,Cunto,Cabitaan,iyo nimco ilaaheey,  dhowr qofood oo Aan is ogeyn ayaa midba gaar quraac noogu keenay, si taas la mid ah qof walba oo na soo booqanayey wax unbuu gacanta ku siday, dadkaasi ma aheyn dad aan wada naqaanay ee waa dadkii magaalada Baladweyne oo ka xumaaday kana damqaday xarigeena, (Mahadsanidiin dhamaantiin) 


Dhanka kale maxaabiistii kale ee xabsiga waxey subaxaas u aheyd maalin CIID ah, waayoo waxey horey iigu sheegeen in ay cunto ahaan u cunaan duhurkii  bariis jeey ah, galabtiina Digir beebeeshee ah oo Aan Aniguba habeenkii dul tagay saxankii ay galabtaas ku casheeyeen, lkn Saakay xaalku waa uu ka duwanaa  subax yadii hore  oo waxey nala wadaageen nimcadii naloo keenay, , markiise ay na soo gaartay akhbaarta ah in nala siideynayo qaarkood waxey noo soo jeediyeen inaan maalmo kale la sii joogno,hhhh 


runtii gabadha MARYAN ELMI ah kartideeda iyo wanaagii ay noo muujisay, dedaalkii bahda Saxaafadda, gurmadka dadka Baladweyne, & dal iyo dibad bahdii & Saaxiibadii baraha bulshadu sida ay arinkaas uga falceliyeen  iyo in hadii aan saacado kale sii xirnaano la qorsheeyay in magaalada laga dhigayo banaanbax weyn, waa waxyaabaha sababta u ahaa in Annagoo faraxsan aan xabsiga ka soo baxo. 01-00 dii duhurnimo, iyadoo sidii hore oo kale aan wax OOBI ah nala soo marsiin naloona sheegin  waxa nalaku siidaayay.........waxaase jirey shuruud gaar ah  oo Aniga soo deynteyda lagu xirey, Sxbkeey @Angola oo la soo jeediyey in uu isagu maalmo kale sii xirnaado, iyo sheeko layaab leh oo Aniga igu saabsan oo Wasiir Muqtaar iyo M/K/Xigeenka Dabageed iyo bahda Saxaafadda Hiiraan dhexmartay..!!. 


•MARKIISE NALA SOO DAAYEY MAXAA DHACAY........? 

       

* Nolasha Magaalada Baladweyne 

* Kulamadii aan la yeeshay MD/K/X/Hirshabeelle Dabageed & Wasiir Muqtaar.

* Horumarka & Dib u dhaca Baladweyne,

* Sheekooyinka igu cusub ee aan Baladweyne kala kulmay.

* Waxyaabaha la isku hayo.

* Cida ka dambeysay xarigeena. 

•Aragtideydii hore maxaa iska badelay....Iyo QODOBO KALEBA..........LA SOCO QEYBTA SADEXAAD..........waa inoo habeen dambe Maryooleey, iinshallah.


WQ/- Abdulkadir Dulyar 


Maxaa yaab isdabayaal.!!!
















Abdulkadir dulyar
Part One:- SOCDAALKEYGI BALADWEYNE & XARIGII AAN MUTAY.!!!

 •SOCDAALKEYGII BALADWEYNE & XABSIGII AAN KALA KULMAY.!! 𝗣𝗮𝗿𝘁 𝗢𝗻𝗲:


21-December,2020,Waxey ii aheyd markii iigu horeysay ee aan Baladweyne tago, ma aheyn socdaalkeygu mid shaqo & mid Saxaafadeed toona, ee wuxuu ahaa mid dalxiis iyo mid deegaan barasho, hase yeeshee xiisihii aan u qabay iyo dareenkii aan islahaa waad kala kulmi doontaa wuxuu isku bedalay si lama filaan ah.


Sxbkeey Angola Hiran oo ka yimid Swedan ayaan subax Axad ah ka soo qaaday garoonka Adan Adde,waxaana soo dejiyey guriga aan deganahay,qorshihiisu wuxuu ahaa in uu Baladweyne ka fuliyo mashruuc digaag, Aniguna waxaan daneynayay inaan Baladweyne mar soo arko, maadaama aan in mudo ah dhegta un ka maqlayay amaanta iyo quruxda Baladweyne, sidoo kale aan marar badan dhegeystay heeska BALADWEYN ee uu sameeyay Abwaan Hadraawi:


-Wabigoo butaacoo 

-Beeraha waraabshoo 

-Dhulku baadku jiifoo,

-Dhirtu ubaxa bixisoo

-Badarkiyo galeydii 

-Laga tuuray baalkoo 

-Canabkii bislaadoo 

-Buladiyo ciyaartii 

-Lagu waabariistoo 

-Beeluhu Gu’ joogaan 

-Sow {bari samaadkii}..........(Saban xumaadkii) Baladweyne maan tegin.


Weligeey waan ku taamayey inaan maalin un booqdo Baladweyne & oo aan soo arko waxa Abwaanku noo sawirayey, waxaase ilaaheey qadaray inaan subaxnimo Talaado ah Aniga iyo Sxbkeey @Angola ka dagno garoonka Baladweyne, ma jirin wax kaloo qorsho ah oo noo wehliyey mashruucaas digaaga ah ee uu Sxbkeey waday iyo Aniga oo doonayay inaan soo arko Baladweyne, 

Hase yeeshee durba waxey indhaheygu rumeysan waayeen garoonka aan ka degnay muuqaalkiisa, waxaan u soo dhaqaaqnay dhanka magaalada, intii aan wadada ku soo soconayna waxaan hadba ka ilbuuxsanayey wadada iyo guryaha hareeraha kaga teedsanaa, markiiba waxaan Gudaha u soo galnay magaalada oo Aan garoonku aad uga fogeyn, si fcn baa naloo soo dhaweeyay waxaana nala dajiyey HOTEL STAR oo ah hotel cusub, xiisaha aan magaalada u qabo darteed kuma daahin hotelka ee waxaan u soo baxay banaanka, waxaana imid geed weyn oo lagu shaaheeyo  oo ku horyaala xaafiiska Nin layiraahdo CAJIIN  oo ah Nin saciim ah dibna aan ka saaxiibnay oo aan ka fogeyn Xerada LAMA GALAAY oo qudheeda aanan Anigu  maalintaa wax aqoon ah u laheyn balse aan dib ka baran doono.


Dadka geedka ku wada shaahaya qaarkood iyagaa i bar garanaya,  Aniguse qofna kama aqoon,  waxaanse u wada sheekeysanay sida dad horey isu yaqaanay oo kale, waxey aakhirkii ii soojeediyeen mar hadaan magaalada imid inaan wareysi la soo yeesho Jeneral Xuud oo ah Nin jabhad hubeysan ku heysta duleedka Baladweyne, oo dhowr jeer oo hore ay dhalinyaro Suxufiyiin ah wareysiyo la soo yeesheen balse aan la weydiin su’aalihii loo baahnaa.


-Waxaan ku iri :- Anigu howl Saxaafadeed uma imaan Baladweyne qalabna ma sito, balse hadii aan wax dhib ah ka imaaneyn, qalabna aad diyaarisaan, isagana aad balan ka soo qaban kartaan Anigu diyaar baan u ahay inaan wareysi la soo yeesho, waxaana intaa u raaciyey in  qorshaheygu yahay  3 maalmood  inaan Baladweyne  joogo.


Howshaas ragii deegaanka ayaa isku xirxiray, maalintii ku xigtayna General Xuud ayaa ciidan iyo gaari noo soo diray oo xili barqo ah hotelka naga qaaday, waxaana ugu tagey deegaan u dhow CEEL GAAL, oo labo buurood dhexdooda ah, si fiican buu noo soo dhaweeyay wuxuuna noo qalay Neef Ariya, intii diyaarintiisu socotayna waxaan la yeeshay wareysi kooban oo Aan sawir guud kaga qaatay sababta uu dhalinyarada hubeysan ula soo galay dhulkan buuraha ah, Waan wada qadeynay,waana sheekeysanay,waxaana dib hotelka iigu soo celiyey isla gaarigii iyo ciidankii General Xuud ee markii hore hotelka iga qaaday, 

———————————000———————————-

NB- Wareysiga oo dhameystiran waan idiin hayaa ee yaan la degdegin Maryooleey.!!!!

———————————-000———————————-

Markaan hubsaday inaan badweyntii Saxaafadda dhexgalay ayaan Sxbkeey Angola ku idhi,Sxbow mar hadaan Dhinac mucaarad ah wareystay waxaan u baahanahay dhinaca Madaxda Hirshabeelle ama Wasiirka A/Gudaha General Muqtar oo markaa magaalada ku sugnaa,......WAA Ok, ayuu igu yiri,wuxuuna noogu yeeray mid ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee Hirshabeelle, waxaan u bandhignay arintii,wuuna nala qaatay isagoo noo sheegay inuu arinkaas ka howgalayo.


Majirin Anigu shaki badan oo aan ka qabay in dambi iiga imaan karo wareysiga General Xuud, maadaama uu yahay Nin magaalada u soo Coffee doonta, CEEL GAALNA u casiriya doonta, islamarkaana ay ciidankiisu Hotelka iga qaadeen dibna iigu soo celiyeen oo ay maamulka Gobolka iyo kan Hirshabeelleba ka wada war hayeen, ee waxaan markiiba barteyda Facebooka soo dhigay sawiradii wareysiga, xoogaa ka dibna waxaan soo dhigay muuqaal kooban oo wareysiga ka mid ah.


-DABADEED MAXAA DHACAY.........?


•Xarigeenu sidee u dhacay.

•Xabsiga iyo xaaladdiisa.

•Cidda ka dambeysay.

•Sida naloo soo daayay.

•Dareenka bulshada Baladweyne.

•Kulamadii aan layeeshay madaxda Hirshabeelle, & Wasiir Muqtaar.

•Nolosha guud ee Baladweyne.

•Waxa sababta u ah dib u dhac Baladweyne.

•Waxyaabaha leysku hayo.

-Sheekooyinka igu cusub ee aan Baladweyne ugu tagay.

-Niyad wanaaga shacabka Baladweyne.

•Dareenkeygii iyo aragtideydii hore waxa iska badalay.’ Iyo qodobo kaleba....LA SOCO QEYBAHA SOO SOCDA.


WQ/- Abdulkadir Dulyar 


MAXAA YAAB ISDABAYAAL.!!



Abdulkadir dulyar
SAXAFIGA/WARIYAHA SEBENKAN KACAY.!!!


SAXAFIGA/WARIYAHA SAMANKAN KACAY.


Ayadoo lagu guda jiro todobaadka xuska maalinta warbaahinta Soomaalida ee 21 January 2016, Saxafi amase Wariye waxaa lagu tilmaama inuu lahaado feejinaan dheeri ah oo ay dadka kale aaney la qabin si isjirkiisa ama taxadirkiisa uu mar walbe ku wajahnaado horumarka iyo baraaraha ummadiisa. Waa inuu leeyaha dareen dheeri oo ka duwan dareenka qofka caadiga ah. Saxafiga/Wriyaha waa indhaha iyo dhagaha mujtamaca, sidaa darteedna waa inuu leeyahay dareen dheeriga ah ee lixaad marka laga soo tago shanta dareen ee la yaqaan ee aadanuhu Ilaah ku galladeysa ee aragga, maqalka, dhadhanka. taabashada iyo uriska. 


DAREENKA LIXAAD (the sixth sense)


Saxafiga/Wariyuha waa indhaha iyo dhagaha mujtamaca, sidaa daraedaeena waa inuu lahaado dareenka dheeriga ee lixaad marka laga soo tago shanta dareen ee la yaqaan ee aadanuhu Ilaah ku galladeysa ee aragga, maqalka, dhadhanka. taabashada iyo uriska. 


Ayadoo inta aan kor ku sheegay uu wariyaha ama saxafigu ay leeyahiin ayaa hadana waxaa laga raba inay labadaba maskax ahaan lahaan karaan awood dheeri ah oo ay ku dareem karaan in ka badan qofka caadiga waxa uu dareemo. Dareenka noocan waa dareenka lixaad oo Soomaalidu sida badan u taqaan "GARAB DAAR''. Haddii si kale loo yira waxaa afafka qalaad loo yaqaan "the sixth sense" amase "il sesto senso"..


Saxafiga xaala kasta uu ku jiro fekerkiisu wuxuu ku jeeda maxaa mutmaca ka xun maxaase u fiican. Maxaa qallocan maxaa toosan. Dhaqanka noocaas ah waxay iskala mid yihiin dadka suugaanta Ilaah hibada u siiyay. Labada hayb dadka way la joogaan oo ay la fadhiyaan laakinse dareenkooda wuxuu gaaf-wareegay meel sare sida ay u taal ummadda dalka ku nool oo ay iyagana ka mid yihiin. Heesahooda iyo qoraalkooda waxay ku qotomiyaan sidii dadkooda iyo dalkooda nolol fiican uu gaari lahaa ayagoo ilaashanaya dalka kana diifacaya, haddii loo baahdo, cadaawaha soo hunguriyeeya isla markaana door weyn ka qaadanaya horumarinta dalka iyo dadka. Waxay shacabka u tilmaamaan dadka ku haboon hoggaaminta dalka oo istaahila in jagada dalka ugu sarreysa loo doorto gaar ahaan weliba shaqsiyaadka ugu hufan uguna kartida badan uguna wadanisan ee dalka jooga ayagoo aan u fiirineynin xag qabiil iyo xag kale oo dadku isku faquuqaan.   


Inta qofka uu hurdo marka laga reebo, aadanuhu wuxuu ku jiro feker gaar ahaan isagoo ka fekeraya maareynta noloshiisa shaqsiga iyo sidii loo dabooli lahaa baahida guud ahaan ee ka jirta mujtamaca uu ku dhex nool yahay gaar ahaan iyo dalka guud ahaan. 


Tiisa gaarka marka laga soo taago, Wariyaha waxaa laga raba inuu ka fekero sidii hore loogu dhigi lahaa nolosha ummadda heerka ay joogto ee dhanka siyaasadda, dhaqaalaha, bulshada iyo difaaca iyo guud ahaan samo-ku-nolosha ummada isla markaane laga ilaalin inuu nusqaan ku yimaado.


Dadka ku jira mehnadda warbaahinta waa inay soo bandhigaan oo ay qaawiyaan dadka maamulka ku jira ee ku kaca lunsashada hantida dadweynaha, musuqa iyo laaluushka, qarabokiilka, nintooxsiga, goboleysiga, qiyaannada wadan, diktatooriyada iyo wixii la mid ah. Sidoo kale waa inay soo bandhigaan dadka ku caan baxay wadaniyadda, kartida iyo hufnaanta ayagoo war tebinta ay ku saleynaya anshaxa ugu sareeya ee warbaahinta.


Saxafigu waa inuu mujtamaca baro aasaaska maamul wanaaga (Good Governance) iyo muwaadinku waajibka saaran iyo xaqa uu  ku leeyahay dalkiisa iyo dadkiisa si muwaadinku u guto doorka uu ku leeyahay mujtamaca. Shacabku waa inay ku mudaaharaadan xukuumada haddii ay u muuqato in hoggaanka dalka uu ku socdo meel qatar gelineysa qarannimada iyo madaxbanaanida dalka iyo dadka.


Waa inuu la socda dhamaan arrimaha taabanaya nolosha halka uu ku nool yahay iyo dalka guud ahaan. Habka uu wax u tebinayo waa inuu yahay mid dabiici ah ee uusana ahayn iska yeelyeel wariye kale oo hore u caan baxay iska yeelayeelo. Waa inuu ka turjumo halka uu marayo dareenka shacabka guud ahaan.


Wariyuhu waa inuu leeyahay dhaqanka wax aqrinta si uu u kororsado aqoonta guud si agabka ay nashirayaan uu yahay mid tayo ahaan aad u sareeya. Waa inuu wariyuhu aqriyo kutubada lagu faafiyo waxyaaha qiyaaliga ah iyo kuwo xaqiiqda ku dhisan intaba iyo manshuuraadka kale ee leh wargeysyada, majalaadka iwm si uu uga helo macluumaad dheeri ah oo wax tar leh iyo inuu ka barto habka (style) wax loo qoro. Sidaa si la'eg wariyuhu waai nuu dhagaysto idaacadaha caalamka kuwooda ugu caansan si uu uga barto habka casriga ah ee war-tebinta.  


Dad waxaa jiri kara qaba in soo-qaadista arrimaha aan kor ku soo tilmaamay qatarta ugu muuqan karto inay ku mudan karaan dhibaato gaari karta ilaa naftooda ay ku waayaan. Waa run laakinse waxaan weydiinaya dadka fekerkaa qaba wariyaha hadda cid  badbaadiso ma hela, dhaqaale ku filan ma hela, garab iyo gaashaan ma heysta. Waa maya. Waa la dila. Wariyaha mar walba waa qof u jooga dhib iyo dil gaar ahaan kuwa aan la hadlaayo ee Soomaalida. Kuwii tirada badnaa ee hawshan lagu dilay Ilaah ha u naxariisto. Ilaa hadda ma maqal cid ka warqabta dadkii ay tageen.


Wariyow iska dhimo marba hadii aadan baxsaneyn. Laakinse soo tebi xaqa iyo runta. Codkaada iyo qallinkaada ugu hiili ummadda Soomaaliyeed ee dhibaatu ku habsatay muddada ka badan rubuc qarni. 


Iska ilaaba dadka ku shaqeeye fekerka hooseeye ee haraadiga ee qabiilka ku dhisan. 


Warsan


WQ/-Abdulkadir Wallaayo  

Abdulkadir dulyar
QORMO:- TALO KU SOCOTA DOWLADA & MUCAARADKA.!!

 •QORMADA JIMCAHA:- 


Nin shaacir ah baa laga hayaa,”WARANKA DHAAWACYADIISU WEY BOGSOODAAN,LAAKIIN CARABKA DHAAWACIISU MA BOGSOODO “


Hadda madaxdeena maanta ku hardamaya kursiga waxaann u soojeedin lahaa in hadalada la is oranayo aad looga fekaro, yaan maanta oo keliya lagu fekerin in  carabka wax lagu kala rito ee hala fiiriyo mustaqbalka dambe saameynta uu ku yeelan doono jiilasha yar yar ee afkiina daawanaya ama u fahmi karta  dowladnimaduba iney tahay meel markaas Ninka joogaa uu siduu rabo ka yeelo,kuwa ku heystaana ay qeylo iyo qadaf uga qaataan, 


Mudanayaal, waxaa tihiin madax nasiib u yeelatay xili dowladdii iyo dalkiiba uu naga burburay  iney xukunka dowladnimada ku soo hormaraan dalkana hogaamiyaan, waxaa leydinka sugayay inaad macalimiin u noqotaan shacabkiina iyo dhalinyarada dagaalada sokeeye ku dhashay {Roll Modal} si ay idinkaga bartaan casharo dowladnimada,nabada,sharciga iyo kala dambeynta ku saabsan.

Lkn maanta nasiibdaro waxey ardeydiinu idinka baranayaan oo kala taageerayaan hadaladiina  iyo hab dhaqankiina, iyadoo ay koox walibaana iskala safan tahay dhankii uu jiro odaygoodu, Waayoo waa waxa keliya oo ay soo arki jireen waqtiyadii dagaalada sokeeye.


Tankale, Waa arin loo baahan yahay in uu dalku yeesho mucaarad iyo muxaafid  talada ku loolamaya, oo  tani waa qeyb ka mid ah badbaadada dowladnimada, sababtoo ah hadii uu hal dhinac dalka iska maamusho waxaa xoogeysanaya dictator-nimada waana halkii aan shalay soo eednay,

Balse dhinaca kale iyadoo leys mucaaradayo oo leys dhaliilayo misna waa in laga wada mideysan yahay danaha guud sida,dalka,dadka,Xasiloonida,Dowladnimada,ilaalinta Sharciyada, dareenka bulshada iyo waxkasta oo wax u dhimi kara wadajirka iyo horu-u-socodka dalka. 


Runtii  intaan ayaa  maanta madaxdiina oo dhan dowlad iyo murashixiinba ceeb iyo taariikh xumo idinkugu filan,shacabkeenana niyad jab iyo quus noogu filan, waayoo hadalada xanafta leh, cagajugleynta iyo ficilada ka soo baxaya dhanka Siyaasiyiinta musharixiinta ah ma aha wax u wanaagsan dhagaha shacab loo tababarayo hanaan dowladeed iyo kala dambeyn,  dhanka Madaxda dowladana sida ka muuqata Tanasul la’aanta, isla weynida, aamusnaanta, Caburinta, iyo ka gaabinta howlihii loo doortay, iyaduna waa mid walwal iyo rajo xumo ku beeraysa guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. 


Sidaas daraadeed, hadii shalay la oran jiray shacabku waa dad aan dowlad rabin welina aan u bislaan, Maanta waxaa noo muuqata shacab dowlad iyo nidaam raba iyo Madax dowladnimadii isku heysta oo looga cabsi qabo iney sabab u noqdaan burbur ku yimaada nabadgelyada, heydaha dalka iyo dowladnimadaba, dibna noogu celin kara wadadii qodxaha badneyd ee horey loo soomaray. 


-TALO SOOJEEDIN:- 


Waxaan talo ahaan ugu soojeedinayaa madaxdeena maanta joogta iyo madaxdeenii shalayba in ugu horeyn dalka iyo dadka loo turo, waana in ciladaha jira  aad carabkiina uga wada hadashaan oo aaney dhicin in leydiin kala dab qaado, waa in fursad loo siiyo arintaan garab sadexaad oo lagu kalsoonaan karo, waa in ficilada iyo hadalada lakala adeegsanayo aad looga fiirsado oo aan lagu kala cad goosan, gaar aahaan Siyaasiyiinta Murashixiinta ah waa in ay  wax ka badelaan aragtida ay hada ku mideysan yihiin oo ah mid aysan birito ku sii wada socon doonin  oo hadii midkood guuleysto ay intooda kale uga hor imaan doonaan, taa bedelkeedana waa iney la yimaadaan hab kale oo  ay dhaaliilaha jira ku soo bandhigi karaan oo aaney ka muuqan cakirnaan siyaasadeed,


Si gaar ah waxaan baaq ugu dirayaa MD Farmaajo, RW Rooble, Gudoonka Baarlamaanka, iyo xubanaha kale ee dowlada, waxaana leeyahay Mudanayaal idinkuna waxaa tihiin madaxda maanta dalka hogaamineysa waxaana idin saaran waajib gaar ah oo ka duwan midka saaran madaxda musharixiinta ah ee aad la ficiltameysaan, sidaas daraadeed  talada iyo toosinta Qaranka ee aad hada isku koobteen fadlan balaariya oo hadii uu PLAN A idiin shaqeyn waayay ku dhiirada PLAN B  lana imaada tanaasul Siyaasadeed, si iyadoo aaney shisheeye idiin kala gar naqin aad ula fadhiisatan walaalihiina mucaaradka ah & cid kasta oo lagama maarmaan u ah xaaladdan,waayoo waxaa suurtagal ah hadii la wada hadlo in la helo isfaham yo jawi nabadeed oo fududeyn kara in la qabto doorashooyinka dalka, hadiise labadiina dhinacba ay garashadiinu sidaan tahay iyo in labo daraf lakala taagnaado ilaa inta uu waqtigu ka dhamaanayo, indhihiinuna ay arkaan oo keliya xukunka iyo manaafacaadka ku hoos qarsoon kursiga loo wada ordayo hoostiisa, .......WAXAAD MAANTA BI’ISAAN,BIRI HA U SHALAAYINA .!!


WQ/- Abdulkadir Dulyar. 


Maxaa yaab isdabayaal.!!


Abdulkadir dulyar Wednesday, January 27, 2021