Soomaaliyeey horta dhamaanteen Riwaayad baan ku jirnaaye,runta ma isku sheegnaa? MAYA MAYA.
-Dowladu riwaayad bey jileysaa,
-Mucaaradku riwaayad bey Jilayaan,
-Shacabku riwaayad bey Jilayaan,
-Ciidamadeenu riwaayad bey jilayaan,
-Warbaahintu riwaayad bey jilayaan.
-Wadaadadu riwaayad bey jilayaan,
-Odayaashu dhaqanku riwaayad bey jilayaan.
-Madax Goboleedyadu riwaayad bey jilayaan,
-Facebooka qudhiisa riwaayad baa lagu jilayaa,
-Qurbaha kuwa joogana riwaayad bey jilayaan.

TAA WAXAA U DALIIL AH:-
Soomaaliya sanadkii 2000 ayaa loo bilaabay in dowlad loo dhiso wax la soo kacaa kufaba dowladii Sh Shariif ayaa Alshabaab muqdisho iyo gobolo badana ka saartay waloow aan howshaas si fcn loo wada qaban, hadana Caasimadu waxa ay ku soo wada noqotay gacanta dowlada.
Tan iyo maalintaas waxaa 3-6 dii biloodba mar la maqlayay in boqolaal ciidamo ah oo loogu talagalay XASILINTA CAASIMADA tababar loo soo xiray waa ku dhawaad 12 sano, hadana waxa ay dowlad walba oo timaada ku guuleysan la’dahay marka labo loo qeybiyo 17-ka degmo ee Caasimada qeyb ka mid ah.
Waa wax aan maskaxda feyoow ee bini’aadamku eysan rumeysan karin, in dowladihii Soomaaliya loo dhisay ee Billions Dollars-ka lagu qasiray ee laga sugayay iney wax iska dhaxlaan oo la yimaadaan qorshe ay dalka oo dhan Nabad xasilooni siyaasadeed iyo nidaam dowladeed uga hirgaliyaan ayaa caasimadii oo kaliya qeyb ka mid ah xasilin waayay , sabatuna waa waxaan jirin wax wanaagsan oo ay iska dhaxlaan dowladaheenu waayoo mid waliba marka ay meesha ka tageyso ayay baa’isaa dhamaan raadadkeedii wanaagsanaa waxeyna ku fikirtaa iney feylo goyso oo ka daba shaqeyso si ta ka dambeysaa ay u dhibaatooto markaas ayay howl waliba noqotaa hada iyo kow.

Sax maaha taasi wax la aqbali karana maaha, dal dadkii lahaa isku xumeynayaana ma kacaa la yiraahdaaye, intaan riwaayada iyo beenta iska deyno Soomaaliyeey runta aan isku sheegno. Oo inta aan kala qoqoban nahay oo qoloba meel wax ku qooshaneyso ha suginina in kooxi guul gaar u ah gaarto.!! Midna ogaada waxyaabaha yar yar ee noo hagaagsan ee aad aragtaan shacabkaa hagaajiyee dowladi ma hagaajin.
-Horta Dowlad macna leh ma rabnaa ,mise ma rabno?
-Midnimaa inna wada deeqdee,iyada ma raadinaa?
-Dalka ma difaacanaa ,mise waan iibsanaa?
-Sharaf iyo karaamo ma u wada noolaanaa mise gun-nimadaan baan ku jirnaa.?
-Nabad baa na wada deeqdee ma rabnaa,mise colaad baa weli inoo dhiman?
-Gacmaha ma is wada qabsanaa,mise waan kala tagnaa?
-Dhibka ma rabaa inaan ka baxno,mise waxaan rabnaa inaan ku jirno.?
-Ciidankeena Anagu ma dhisanaa,mise waan kala dirnaa?
-Dhaqaalaheena ma ku tashanaa, oo ma iska deynaa lacagaha Ajnabiga iyo kaalmada shisheeye?
-Kan dib inoo dhigaya ma iska diidnaa,mise waan daawanaa?
-Dulaaliinta nagu dhexjir ma iska qabanaa,mise waan kala difaacanaa,?
-Waxaan isku diidan nahay ma iska deynaa,oo waxaan ku mideeysan nahay ma doonnaa?
-Mustaqbalbalka ubadkeena ma ka fikirnaa, mise dhalmadaba waan joojinaa?
-Inagoo aan baqeyn oo cabsiyi nagu jirin,wadajir ma u sheegan karnaa waxa aan rabno.?

Wlhy inta aan riwaayada ku jirno ogaada dowlad walba oo naloo dhiso dadkeedaa isbadeli doonee iyadu wax isbedel ah ma keeni doonto iney ka darto mooyee, aan hal tusaale idin siiyo.!!
-U fiirso dowladdii AUN Abdullahi Yusuf waxaa barControl u taalay Ex Control Afgooye , tii Sh Shariif waxaa Control weyn u yaalay isgoyska NO4, Tii Xasan Sheekh waxey u soo rartay isgoyska Shaqaalaha,Tan Farmaajana waxey u soo wareejisay Isgoyska Sayidka,Tan ku xigtaahina waxay ku aruuri doontaa Madaxtooyada ilinkeeda, marka MA HORAA LOO SOCDAA MISE GADAAL BAA LOO NOQONAYAA.?
•Tankale, Sidaan siyo kalaa dhaama ee Soomaaliyeey aan ka wada fekarno, oo aan ka bilowno inaan Allah SWTC xagiisa u wada noqono una towbad keeno, maankana aan ku hayno in hadii eynaan dowladii timaadaba lala shaqeyn oo la horkicin si daacad ahna aan loo garab istaagin, oo hadii xumaan iyo waxqabad daro laga dareemana aan laga aamusine lagu shimbira waaqleyn oo laga diidin , wax inoo hagaagayaa ma jiraane,yeynaan isku daaline waa halkaan ku dambeyno..!!
-FG:- Hadhowna markaan hoogno oo ba’no oo dalkeenu faraha ka baxo dushana leynaka Rarto, yaan la arag mid inaga mid ah oo dhibka jira u eersanaya cadow Ajnabi ah ama faragalin shisheeye ee Soomaalidu iyadu ha is eersato waayoo hadaan qaarkeen ku daabneyn Ajnabi dooni iyo calaal sita wax nagama qaadeen sow maaha.
WAXAAD MAANTA BI’ISAAN,BIRI HA U SHALAAYINA.!!
•Raalina iga ahaada hadaan idinkala hadlay wax aad wada ogtihiin oo dantiina ah,balse aydnaan rabin in la idiin sheego ama aad ku dhaqaaqdaan Maryooleey”
WQ/=Abdulkadir Dulyar
Muqdisho
Muqdisho
Waafajintii allah ayaa naga maqan in xaalku sidaan ahaado Ilaahbaa qadaray,lkn waxay ahayd in la dadaalo,dadaalka laftigisii ayaa culays inaga haystaa markaa kaliya waxa inaga maqan inaan xaga allah u noqono hadii kale xaalku waligii saan ayuu ahanayaa.
ReplyDeleteWaa sidaas Wll, Mahadsanid
DeleteRaali waa iska nahay oo wax intaan ka daran ba nala yiraaddaaye
ReplyDeleteBalse awoowe waxaad modaa ina noqanany geed biyo ku dhex qalay oo geed biyo ku dhex qalay intu ku cagaari rabaa horta
Waad ku mahadsantahay qormadaan qiimaha badan.
ReplyDeleteWaa qormo xaqiiqda ka hadlaysa balse cidii yeeli lahayd aysan samaynayn
ReplyDeletewaad mahadsantahay Abdulqadir waxaadna ka mid tahay dadka fara ku tiriska ah ee dalkan waxa ka dhacaya u dhabagalay riwaayadu waa intii waayuhu ku badeen waqtigu haku baro soomaali hal god ayaa labaatan jeer laga qaniinay waana madda nacas oo kaliya ku dhacda (qormadaana waa hadal wax ogaal iyo aragti meel dheer u qotanta ee dadow dib ha laisugu laabto
ReplyDeleteThanks ustaad
ReplyDelete