Tusaalaha ugu macquulsan ee loo soo qaadan karo erayga MOOSHIN oo ay dad badani aragtiyo kala duwan ka qabaan waa:-
-TUSAALE:- Salaadaha waajibka ah marka la dukanayo dadku awalan waxa ay iska dhex doortaan IMAAM salaada ku hogaamiya,kaas oo layaqaano howsha laga rajeynayo inuu qabto, hadiise Imaamku wax qaldo lagama aamuso ee waxaa la yiraahdaa SUBXANALLAH oo ah baaq Imaamka loogu baaqayo inuu qalad galay,(MOOSHIN)hadii uu sixi waayo waa loogu celiyaa,(MOOSHIN KALE) hadii uu Iimaamku ku adkeysto qaladkiisa waxay jameecadu ku qasban tahay iney salaadooda maareeyaan oo ka baxaan safka sow maaha .!!
Marka bal kaba sooqaad Dowladu iney tahay jameecada ,awalan waa isku yimaadeen waxay iska dhex doorteen Madaxweyne ka dib sufuuf isku xigxigta oo Baarlamaankii, Maxkamadihii iyo xukuumadii ah ayaa daba istaaga Madaxweynaha, shaqada loo ikmadayna waa la yaqaanaa oo waa inuu dhowro Salaada iyo arkaanteeda oo kaliya oo ka dhigan Dastuurka iyo sharciyada dalka, hadii uu wax kale la yimaado oo shuruucda ka baxsan lagama yeelayo ee waa la qalad saxayaa,(MOOSHIN) hadii uu diido Madaxweynuhu in la saxo ama loo tilmaamo qaladkiisa waxaa qasab ah iney kala furfuraneyso Dowladu oo qolo waliba ey gaarkeeda u shaqeyneyso maadama uu isagu yahay Tiirka isku haya Jameecada Salaada oo ka dhigan Dowladnimada. (WAA IN MACNAHA MOOSHIN AAN SIDAA U FAHNAA.)
Sidaa daraadeed Madaxweynaha dalku marwalba waa inuu ogolaadaa in shaqadiisa la dhaliilo ama loo tilmaamo qaladaad kiisa islamarkaana waa In uu aqbalaa inuu hortago oo ka qanciyo cidda isaga u dhiibatay shaqada uu hayo,Madalna isaga reebo eedaha, madmadowga iyo tabashada ay qabaan Magacaabayaashiisu.
Hadiise uu dhegaha ka fareysto Madaxweynuhu ama uu ku fikiro inuu ku jabiyo eedaha mucaaradka aqlabiyada baarlamaan ee uu maanta heysto, waxaan shaki ku jirin in doodaha iyo eedaha maanta taagan ee loo heysto ay ahaan doonaan kuwa aan ka daba harin oo cuuryaamiya horusocdka Dowladiisa lagana yaabo iney bilaha & Sanadka soo socda sii xoogeystaan maadaama Madaxweynaha iyo Xukuumadaba ay horyaalaan sanadka dhalan doona ee 2019-ka shaqooyin dhowr ah oo isdultuban oo la qaban karay sanadkan sii dhamaanaya ee 2018 ka balse khilaaf iyo isqabqabsi lugaha lagula jiray awgeed looga baaqsaday, kuwaas oo u badan fulinta hishiisyo Siyaasadeed,Kuwa Dhaqaale,Dib u Dhiska Wadooyinka iyo Goobo kaloo muhiim ah,Amniga iyo wax ka qabashadiisa,Maalgashiga dalka, iyo loolanka adag ee Dalalka dariska ah oo ah dhamaantood kuwa u baahan in wadajir loo wajaho, ah Maadaama fulintooda iyo dhaqaajin toodana la rabo in sanadka 2019-ka ee na soo haya in toos loo gudagalo hadii Allah idmo.
Si hadaba aan dalka dib u dhac iyo murano kale oo siyaasadeed loo galin shacabkana waqtiga looga lumin waa in Madaxda sare ee Dowladeenu ay la yimaadaan qorsho iyo hab dhaqan ka duwan kuwa ay sanadkan ku shaqeynayeen, ayna noqdaan nabadoono isku wada mucaarad & Muxaafidba, sidoo kalena u howlgala isku soo celinta Siyaasada guud ee dalka si uu u abuurmo isfaham iyo wadashaqeyn.
-Mucaarad kana waxaan oran lahaa fursad siiya dowlada iyo madaxda maanta oo noqda kuwa u tura Shacabka dhibaateysan, idinka oo xaq u lehna si adag oo Soomaalinimo ahna ula xisaabtama cid kasta oo wax u dhimeysa Dalka,Dadka,iyo Diinta taas oo ah waajib guud balse idinka gaar idiin saaran maadaama intiina Xildhibaanada ah aad u dhaarateen, balse tan ah facaa iska dhicida fadlan dhamaan Mucaaradkow kala saara danaha gaarka ah iyo danta guud ee Qaranka oo sugta waqtiga ku haboon inaad tartan Siyaasadeedka socda aad dhiniciina ka gashaan.
-Mucaarad kana waxaan oran lahaa fursad siiya dowlada iyo madaxda maanta oo noqda kuwa u tura Shacabka dhibaateysan, idinka oo xaq u lehna si adag oo Soomaalinimo ahna ula xisaabtama cid kasta oo wax u dhimeysa Dalka,Dadka,iyo Diinta taas oo ah waajib guud balse idinka gaar idiin saaran maadaama intiina Xildhibaanada ah aad u dhaarateen, balse tan ah facaa iska dhicida fadlan dhamaan Mucaaradkow kala saara danaha gaarka ah iyo danta guud ee Qaranka oo sugta waqtiga ku haboon inaad tartan Siyaasadeedka socda aad dhiniciina ka gashaan.
Mahadsanidiin/=
WQ/-Abdulkadir Dulyar
Muqdisho.
QORMO:- -SIXITAAN FAHAMKA EREYGA MOOSHIN.!!!
Abdulkadir dulyar
Tuesday, March 12, 2019