QORMO:- MUSUQA SOOMAALIYA WAA DHARAAR CAD.!! WQ/- Abdulkadir Dulyar




Waxaan rabaa iska daa inta aan muuqane inaan tusaale kooban idinka siiyo musuqmaasuqa dalka ka soo jiray mudada dheer iyo sida idhaha looga laabanayo ama aan looguba arag in uu yahay qeyb ka mid ah boobka hantida Umadda,
Dowlad nimadu waa mida ay Madaxdeedu ka baqaan hantideeda iyo hantida shacabka, dhaqan kaasina waxuu ahaa wax la iska dhaxlo , waxaan sheeko ku hayaa xiligii dowlada adagi jirtay in Masuul walba wixii uu si hoose u xado maahane in uusan hantida muuqata sida gawaarida iyo guryaha ay dowladu siiso ama dajiso marka xilka laga qaado uu ku wareejin jiray masuulka kaga dambeeya howsha, ama Guvernatoare marka la magacaabo la siiyo Guri iyo Gaari marka Xilka laga qaadana laga tiriyo hantida Qaranka.
Balse maanta inkastoo aysan dowlad xoog lihi noo dhisnayn hadana sheeka daasi majirto xaalkuna waa BOOBA YAA WADANI, waayoo laga soo bilaabo Sanadkii 2000 intii Madaxweyne, Intii Gudoomiye Baarlamaan iyo K/Xigeennadii  ee la shaqeeyay, Intii Janaraal ama Taliye Ciidan, Intii Wasiir , intii Gudoomiye Gobolka Banaadir soo martay,Intii Hanti Dhowr, Intii Gudoomiye Maxkamada Sare qabtay, Intii Xeer Ilaaliye Guud, Iyo intii masuul ee kale ee qabtay xil macquul ah , waxaa la wada siiyay Gawaari Bullet Proof ah iyo mid Tuugo xambaar ah oo qiimo ahaan gaaraya $250.000 ah waxaana loogu goglay Guryo lacag dhan $300.000 , mid walbana marka xilka laga qaado hantidaas isagaa ku takrifala, waxaa jira kuwa soo noqnoqday tiro ka sedex jeer, mar walbana la siiyay Gawaari Bullet Proof ah Gurina loo goglay,
ogoow Hantidaasi waa canshuurta shacabka G/banaadir mana jirto cid loo dabagalay ama lagula xisaab tamay ee waa looga aamusay sababo jira awgood sow maaha.
Waxaa sidoo kale jira kuwa hada Xildhibaano ah oo xiliyadeey Wasiirada ahaayeen ama xilalka kale hayeen gaadiid kii Ay Wasaaradaha ama hey'adaha kale ee dowlada ugu shaqeynayeen weli wata oo aan wareejin, halka Inta haatan xil sugayaasha ah ee horay Xilka u soo qabtay ay iyaguna Gawaari dii dowlada ku heystaan Guryaha , sidoo kale waxa uu nin waliba dayactirtay Guri dowladu leedahay oo aan dowladi siin. qaar baa ku darsaday oo shiraacyo ku datay Hubkii & Gawaaridii Ciidanka ee la siiyay waqtigii ay masuuliyada hayeen. ma jiro cid u tagi karta ama qodob sharci ah oo wax ka qaban kara arinkaas,
Wax kale iska daaye Website-yadii, Cinwaanadii Facebooka iyo Twitter ka iyo Document -yadii ay lahaayeen xafiisyada dowladu ilaa maanta oo la joogo midkii xilka laga badelaba waa la tagaa oo ma moodo iney hanti qaran yihiin, ama marka horaba magac kiisa ah buu  Social Media-ha kaga caanbaxsadaa xilka iyo shaqada uu dowlada u hayo,
Hubaal dhaqanka noocaan ah hadii aan laga hortagin ama aan loo helin sharci xakameeya waxa uu noqon doonaa mid la iska wada dhaxlo 50-ka sano ee soo socota mana aha mid ku kooban Madaxda sare oo kaliya ama ku eg Gaadiid iyo Guryo ee waa mid ku milmay shaqada Dowlada oo uu ku dhaqaaqo qof kasta oo hanti dowladeed ama mid shacab ay dowladi u dhiibto.
Marka ay halkaas taagan tahay sow xaq uma lihin Masuulkii nagu yiraahda musuqmaasuq baan ladirirayaa inaan ku niraahno waa beentaa iyo afka baarkiisa.!! MAXAA MUSUQ IS DABAYAAL.!!

-YAA LOO SHEEGAA MARKA SACAA LABO KELYOOD LEH./=


=WAA ARAGTI DEYDA/-
WQ/- Abdulkadir Dulyar 
Muqdisho.

No comments