Q-2AAD........ DILKA #KHASHOGGI & SHEEKO DHEXMARTAY SACUUDIGA IYO MAREYKANKA.!!
-
-MBS:- Hallow....Hallow Trump
-TRUMP- Haa MBS , warka i sii maxaa soo kordhay,.... Erdogan waa hadlaye maxaa kaaga baxay.
-MBS- Sxb maanta waan ka badbaaday NAKED TRUTH !!!!
-TRUMP-hhhhhhhhhhhh
-MBS- Haye.... maxaad ku qososhay ?
- -TRUMP-waxaan ku qoslay Dalalka dunida hadaad maqli jirtay musiibo Ayaa ka dhacday sida Duufaan,Daadad,Dab ama Daacuun. hadda Mareykanka iyadoo ay weli naheysato muragadii naga soo gaartay duufaantii dhowaan nagu dhufatay, ayaa hadana markale waxaa naheysta Musiibo Qaxooti ah, waxaana ka cabsi qabnaa in Sadex Wadan oo dhaca Central America ey dad koodu Anaga noo soo guuraan , hadda Mexico ayey ku soo jabeen balse halka ay u soo socdaanna waa USA meel kale maaha, , mana aqaan cidda nagu soo inkaartaye bal iga war haay.
-MBS- War ileyn tanoo kale, Trump Anigu Qaxooti kaalama hadlin oo Anigayba teydu i heysataaye waxaan ku iri Arintii Wariyaha waan ka badbaaday maanta.
- -TRUMP- horta Wiil yar baad tahay oo aan luqada Siyaasada aqoone soo baro pls, war hada ayuuba Erdogan arintaada ka dhigay mid u baahan baaritaan Caalamiya oo madax banaan “Independent Investigation “ “ee orod inta ay goor I goor tahay Adigu Istanbul ugu tag oo kiiskan dano kale oo uu kaa leeyahay kaga soo bedelo, .tan kale ogow in uu sameeyay KHASHOGGI ROADMAP oo gaaraya ilaa SEPTEMBER.
-MBS- Sxb Odayga tahliisheydaa gaartay inkastoo uu weli isadkeynayo, sow maadan arag sida uu maanta u hadlay, , hhhhh.....balse waxaan sameynayaa marka uu Shirkan Dhaqaalaha ee Riyadh aan ka furay aan soo xiro ayaan gartaas galayaa,waana ku qasbanahay waayo waa suurtagal FARAXALKII SIYAASADEED ee aan Erdogan ugu dhiibay lataliyaheyga Amiir Khalid Faysal in uu qaar ka mid ah saluugay oo uu dabinka igu adkeeyo , Lkn horta Ninyahow hadii ay arintu hada isku bedeshay baaritaan Caalamiya armeey aakhirkana noqotaa Maxkamad Caalamiya,? ?
--TRUMP- Koleey meesha waxaa ku jira Ninkii musiibada ahaa ee Gaabnaa ee gacanta bidix ka laafyooda marka ma sahlana lkn waan arki doonaa.
-MBS- Alla hayaay ma Putin baa gacanta la soo galay arinka?
--TRUMP- War Ninkaas magaciisa isgaarsiinta loogama hadlo waa nin qatar ah oo Teleefoonnada dhegeysta xataa Doorashooyinka dalalka kale ayuu is dabamariyaa waa Hackers weyn ee naga daa magaciisa.
-MBS -War ileyn ibtiladaan oo kale weligaa waxaad Dhuuso moodeysay Saxaro ma kugu noqotay.
- -TRUMP- hhhhhhh malaha maahmaah daani waxey gaar u tahay Carabtiina iyo Africanka iyagaa cunto badan cunee sow maaha hhh, Tan kale Turkey waxaan u diray Ninkii CIA ugu sareeya si aan Anaguna baaritaanka ugu lug yeelano ma garatay...., Sidoo kale waxaan ku idhi Erdogan la kulan oo iiga soo xan wareyso bal waxa uu ka damacsan yahay arinkaaga ee Hadhow aan ku soo qabto Sxb.
-MBS-Haye Haye waa arin fiican Nabadeey....... lkn xooga saar oo ku dadaal in kiiskeygu uusan noqon mid caalamiya.
--TRUMP- Sxb lkn mid ogow Adigaba howshaan uma aadan fulin si caalamiya la soco taas.
-MBS -Yaaah !! .... waa runtaa.......War ninka Erdogan ah armuu hadana igu soo eedeeyaa Corneylkii howshaan ka soo qeyb qaatay balse dhawaan Shilka gaari ee ka dhacay Sacuudiga ku geeriyooday waa Asaga leh 18 qof ee dilka wariyaha u xiran waan u baahan nahay ee hala ii keeno si in baritaan ugu sameeyo. .Tolow awal waa asagii lahaa 15 Qof baa dilka fulisaye waa ayo Sadexda kale ee uu hada ku soo kordhiyay., ma wuxuu ka dhex raadinayaa dadkii Amarka bixiyay ,,,...Muxuu u qanci la'yahay....,Armaa wax loo sheegay Ninkaan,....Maya waan fahmay ujeedkiisu waa iney dadkaan marka loo diro dalkiisa ay runta sheegaan dabadeedna uu magangalyo siiyo.... tani waa waali kale Akhii
--TRUMP- Walee waxbaa ku heysta, ee waa inoo caawa waxaan kaa rabaa inaan kaala hadlo Arimo dhaqaale oo aan kaa rabee.
-MBS- Haye waa yahay Aan hadhow isi soo wacno Aniguna waxaan war kaaga hayaa kulankii aan maanta layeeshay Qoyska Khashoggi. Dhuu.....Dhuuu........kanna dhaqaaluu ku waashay balaayo kugu dhacday Timo suufa leh. ......Ilaahow balaayo qoorta hanoo galin....waaba noogu jirtaaye nooga saar Aamiin.....Alleylahe waa inaan sii kordhiyaa sadaqada dalalka saboolka ah ee gar iyo gardaraba igu taageeray arinkan sida Soomaaliya & Jabuuti ............
........::.:LA SOCO QAYBTA SADEXAAD GOOR DHOW...
Maxaa Faji isdabayaal.../=
FG:- Waxaa Mala’awaalay Sheekadan
Abdulkadir Dulyar
Q-2AAD.:- DILKA #KHASHOGGI & SHEEKO DHEXMARTAY SACUUDIGA IYO MAREYKANKA.!! WQ/-Dulyar
Abdulkadir dulyar
Wednesday, October 24, 2018