-50 Sano ka hor ayaa si looga faa'ideysto kheyraad kooda iyagana loo nacsiiyo anfacooda waxa uu Soomaalida Talyaanigu ku odhan jiray "Mooska yaan la cunin waxaa laga qaadaa Gooryaan" isaga oo weliba ka soo maray dhanka Caafimaadka, oo ruux kasta oo loo geeyo Dakhaatiir taas Talyaanigu ku oran jireen Mooska halaga ilaaliyo qofkaan,
Balse nasiib daro 50 Sano ka dib isagii baa hadana nagu odhanaya Moosku waa daawo.waa goorma waa mar Abuurkii Mooskeena oo aan dunida laga heli jirin dal kale oo heysta lagu faafiyay aduunka, bal Kenya iyo Ethiopia maanta arka Mooska ka baxa islamarkaana is weydiiya Mooskii Jaalaha ahaa ee macaana ee dalkeena halka uu ka baxay iyo mooska aan maanta cuno dhadhankiisa..inkastoo hada Soomaalidu waa wada ogaatay faa'iidada ku jirta cunista Mooska.
-Sidoo kale, 50 Sano ka dib, ayaan markale ku soconaa wado kale oo dabargoyn ah lagulana dagaalamayo dhaqan keenii ahaa Xoolo dhaqatada., iyadoo markale nalaka soo maray dhanka Dhakhaatiirta iyo Caafimaadka, kuwaas oo fulinaya mashaariic dalal aan waligoodba xoolo dhaqan, kuna oranaya dadka u taga " hilibka gaduudan iska dhaafa, digaaga & Kaluunka ama White Meet ka cuna"
Taasoo la macno ah waxyaabaha warshadaheenu soo saaran cuna, kana maarma Xoolaha dhaqashadooda iyo Nimcada Allah SWT idinku manaystay., taana waan wada aragnay durba ifafaalaheeda waayoo maanta miyigii ama dhulkii xoolo dhaqatada waa laga soo wada tagay kadib markii loo arkay joogistiisa iyo ku dhaqashada xoolaha badownimo.
Dhanka kale,maanta dad badan oo ilbaxnimo umooda aragtidaas wey rumeysteen oo waxaad Muqdisho iyo meelo kaleba ku arkeysaa dad badan oo ku dhahaya Hilibka xoolaha iska jooji waxaa laga qaadaa cayil iyo cuduro oo waxaad ku badelataa Waite Meetka , sidoo kale waxaa dalka laga hirgaliyay Maqaayado badan oo aan laga helin hilibka xoolo heena,!! -Maxaa yaab is dabayaal./-
=WAXAAD MAANTA BI'SAAN BIRI HA U SHALAAYINA. /=
Waa aragti dayda/=
WQ/-Abdulkadir Dulyar
Guuleyso mudane dulyar
ReplyDeleteMahadsanid ustaad Dulyar
ReplyDeleteWaa aragti quman
ReplyDelete