Balse Aniga aragti dayda Wiil Adeerkiis sababta dooqiisa loo dilay loona gubay godna uu u galay iyo Gabar ficilkeeda dartii Hooyadii iyada dhashay ay Xabsi ugu jirto, walaalaheed, Abtiyaasheed iyo Habayar radeedna ay naf u gooyeen, welina aanay arinkaas labada dhinac kaheshiin, in inta fagaare lakeeno lagalahadlo jaceyl iyo wax lamid ah waxaan u arkaa in la iska indhatiray culeyska ka weyn ee ku horguban sheekadaan, balse laga eegay un dan hal dhinac ah oo ah xiisaha ay dhacdadani leedahay taana laga ugaar saday, iyadoo looga faa’ideysanayo marxalada caruur nimo ee ay ku jiraan Wiilka & Gabdhu.
Balse hadalada xanuunka leh ee iyaga hortooda laga yiri iyo kuwa ka soo fara baxsaday afkooda miisaanka ay lahaayeen iyo boogaha lagaga damqiyay caawa Program kaas qoysaska ay ka dhasheen waxa ay ahaayeen kuwa aan il naxariis leh lagu eegin, sidoo kale Lamaanaha caruurta ah ee aan weligood Dad intaas le’eg horimaan iyo sida loo ciqaabay iyaduna wax Laqiyaasi karo maaha
Koleyba Aniga waxaa igala qurux badneyd in sheekadan umada la horkeeno marka arinta la xaliyo oo loo gogol xaadho, oo lakala dawoobo dhinacey doonto ha udhacdo'e, markaas kadib in fagaare lagu soo bandhigo iyadoo loodhigayo qaab wacyigalin bulsho ah, Waalid koodna laga soo qeybgaliyo barnaamijka si ay iyaguna tusaale ugu noqdaan waalid diinta kale, waxna looga weydiiyo qaladaadka dhacay, Qirashada dambiga Isbadalka hada iyaga ku dhacay,iscafinta Labada reer, iyo inay ku dhawaaqaan ka xoreynta maskaxda bulshada kale dulmiga uu qoyska gabadhu sameeyay ugana digaan dambiga iyo xanuunka uu leeyahay dhaqan kaasi iyo inay Fagaare ugu wada duceeyaan si wadajir ah Wiilka iyo Gabadha Soomaali duna marqaati ka noqoto. waa kaas {Eesh Calaa Barnaamij waxtar & Wacyi galin u ah bulshada.}
Arinkani ma aha arin sahlan kana weyn jaceyl iyo ka hadalkiisa, waa arin ka balaaran oo u baahan in si degan loo abaaro falkan ka dhex dhacay labada reerood si loogu gogol xaaro deganaanshaha Wiilka iyo Gabadha is calmaday,Sidoo kale waa arin u baahan inay Albaabada u furto doodo balaaran oo mug leh si go’aano Qaran oo adadag bulshadu uga wada gaarto dulmiga iyo isirfaquuqa lagu soo hayay Qarniyaal walaallo Soomaaliyeed ayna ku hayaan Walaallo kale oo Soomaaliyeed.
Xaqiiq dii dhacdadan xanuunka lihi waa ka gun dheer tahay sida looga hadlayo maal mahaan, waana fursad looga faaideynsan karo sidii bulshada loogala dagaalami lahaa maskaxdooda ficiladaan foosha xun oo ay muhiim tahay inaan lamarin habaabin iyadoo laga eegao meelo hoose,Marka Madaxda ,Saxaafadda iyo dadka horboodaya ama ku hadlaya hadalada aan dhabta ka aheyn ee afka baarkiisa ah waxaan leeyahay wixiinu daawo maahane Walaalayaalow yaan looga sii darin xaalada dhex taala labadaas Qoys ee walba aan u wada duceyno.Inshallah inay cadaalad iyo kheyr ku dhamaato.!!!
--------------------------------------------//------------------------------------//---------------------------------------
Waa Aragti deyda gaaban.
MAXAA YAAB ISDABAYAAL.!!
Abdulkadir Dulyar
Mogadishu
QORMO:- LAMAANE QARNI MISE MASLAXO QARAN.?@WQ/- Abdulkadir Dulyar
Abdulkadir dulyar
Wednesday, September 26, 2018