SHEEKO WAALID :- HOOYO IMTIXAAN KA QAADAY XAASAS KA WIILA SHEEDA..!!




SHEEKO WAALID: Hooyo dhashey saddex wiil ayaa kaligeed korisey kuna tacaashay inay rag noqdaan waxna bartaan illaahayna waa ku guuleeyey. Wiilashii ayaa illaahay mahaddiis wada koray oo wada guursadey waxuuna midwalba dagay intuu gurigii hooyo ka guuray guri gaar ah.

Maalin kii uu kii ugu yaraa guursadey una guurey gurigiisii gaarka ahaa ayay muddo kadib Hooyo damacdey iney wiila sheeda iyo Xaasaskooda imtixaanto ogaatana haweenka ay guursadeen wanaaggooda iyo ixtiraamka ay u hayaan hooyadood.Waxaa kale oo ay rabtey iney ogaato midka ay gurigiisa ku noolaan doonto cimri geeda inta u haray.!

Waxay habeen usoo hoyatay gurigii Wiilka ugu weynaa Wiilasha waxeyna markii salaadda subax la gaaray weydiisey xaaskii wiilkeeda iney u keento biyo ay ku weysaysato. Markii ay weysadii dhameysey ee ay tukatay ayay biyihii soo haray ku shubtey Furaashkii ay ku jiiftey.
Qoraxdii markey soo baxdey ayay u yeertey gabadhii oo ay ku tiri Hooyo waan duqoobay oo xanuun kaan waa duqnimada ee gogosha daahirsada. Gabadhii ayaa maamadii aad ugu xanaaqdey kuna qeylidey si xunna ula hadashey waxayna ku tiri waa inaad daahirisaa oo aad waliba qalijisaa Furaashka mardambena gurigeyga ma imaan kartid.. Maamadii wiilkeedii ugu weynaa ayay usheegtey dhibka heysta waana uu ka aamusey. Hooyadii waxey dhaqdey gogoshii wayna qalijisey waana ka tagtey Xaafaddii iyadoo aaddey wiilkeedii labaad.

Sidoo oo kale ayay sameysey waxaana loola dhaqmey sidii oo kale wiilkeediina markii ay usheegtey waxba kama uusan oran.
Waxey aadey Wiilkii ugu yaraa waxayna subaxdii sameysey sidii oo salaadda kadib weysidii ayay ku shubtey Furaashkii waxeyna usheegtey xaaskii uu Wiilkeedu qabay. balse maxaa dhacay:-..........Gabadhii ayaa ku tiri Hooyo dhib malahan imisaad anagoo yar yar nala soo tacaasheen anigaa daahirinaya hooyo ee iska fariiso inta dhar nadiif ahna u keentey. Sheekadu Wiil kiba meysan gaarin gabadhii ayaa hawshii asturtey oo maamadii niyada udhistey.Masha Allah .

Maamadu illeen imtxiaan ayay waddaye, waxay ogaatay in xaaska wiilka yar ay tahay mid ka wanaagsan kuwa kale isaguna ka baarisan yahay. Waxey ku tiri hooyo islaan daris ah oo aan socon karin ayaa rabta in gabadh ay dhashey dahab usoo gaddo qiyaastiina adiga ayay ku le egtahay ee gacantaad cabirkeedu waa intee, wayna usheegtey.
Maamadii suuqa ayay tagtey waxayna usoo gadey dahab badan gabadhiii. Maalinkii dambe ayay isugu yeertey wiilasheedii iyo xaasaskoodii waxeyna usheegtey qisadii ka qabsatey guryahooda iyo ujeedada ay ka lahayd iyo iney biyo ahaayeen waxay ku shubtey. Waxey tiri waxaan ku noolaan doonaa guriga wiilka yar inta nolosha iiga dhiman, Dahabkaasna waxaa iska leh gabadheyda hebla.!
ALLOW WAALID KEEN U NAXARIISO Aaamiin

FG: Haddii waalid kaa midkood ama laba dooduba kula nool yihiin, si hoose uga warqab hana ku haleynin xaasaska kuwooda aan wanaag sanayn, si aad ducadooda u hesho.!

No comments