WARBIXIN:- KURSINA WAAN DOONAYAA,WAXNA WAA II WEHLIYAAN.!!


February ,7.2017..........

Doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya waxaa Sanadkan 2017.u soo istaagay oo soo hamiyay in ka badan 30 Musharax oo mid waliba maalin kaga dhawaaqay damaciisa meel fagaare ah taasoo fajaciso ku noqotay dad badan oo Soomaaliyeed maadaama Kursigu yahay mid qaada hal ruux.
Waxa ayse aheyd sheekada la wada xiiseynayay halka ay ku dambeyn doonto ka dib markii Murashixiinta lagu dhex arkay labo Dumar ah oo u xusul duubaya Tartanka Madaxweyna nimo, iyadoo aysan Caad ka saarneyn Dumarkaa Murashixiinta ah in Dalka ay ka doonayaan Xilkaasi uu yahay Dal Muslim ah, waxaase Gabagabadii dhankooda ka soo yeertay iney ka tanasuleen doonistoodii aheyd jagada Madaxweynaha Soomaaliya.

Abdulkadir dulyar Friday, February 17, 2017
WARBIXIN :- FARMAJOW WELI FAR BAA TAAGAN.!!! Qalinkii Dulyar



  


HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA OO MUUQAAL AH.

https://www.youtube.com/watch?v=puBfpHc4D3U&t=285s

Marka hore waa Nasri Alle iyo Nasiib wanaag in ay si nabad galyo ah iyo rabitaankii shacabka Soomaaliyeed  ay  ku  soo Af meeranto 08 February 2017-Ka  Doorashadii  Madaxweynaha  Soomaaliya ee lagu qabtay markii labaad Caasimada Soomaaliya ee  Muqdisho,mana aheyn guushaasi mid si fudud lagu gaaray  ee waxaa laga soo maray dadaal iyo daal fara badan oo soo taxnaa tan iyo dowladihii KGMG ahaa oo aakhir kii suurta gal ka dhigay in aan dalkeena  ku qab sano doorashooyinka.



Abdulkadir dulyar Tuesday, February 14, 2017