WARBIXIN :-RI'DAY DU HA II CODEYSO. !!



04.10.2016
Soomaaliya waxaa dhawaan la filayaa ineey ka dhacaan Doorashooyin Dadban oo dalka loogu dhisayo Dowlad Hogaamisa 4-ta Sano ee soo socota. Markase la raad raaco macnaha DOORASHO DADBAN , .waxaa kuu soo baxaya waa inaan sinaba loo filan karin iney qabsoonto Doorasho Cadaalad iyo Yaa mudan ku dhacda oo ay Odayaasha ama Xildhibaanadu ku soo xulaan hogaanka Dalka.
Siyaasadda Soomaaliya ayaa sanadahaan dambe noqotay jaran jaro uu qofkii mar soo fuulaa durbadiiba ka tabcado dhaqaale, marka aad eegto isla xisaabtan la'aanta dalka ka jirtana waxaadba moodaa in lagu wada balamay boobka hantida Qaranka iyo tan Umadda. waana sababtaas tan ay dad badani qabaan in ay tahay midda keeneysa in Madaxda qaarkood ay noqdaan kuwa la moodo iney ku dhex nool yihiin caloosha Dowladda, maadaama ay Sanad walba soo taagan yihiin kuna qanacsan yihiin daraja kasta oo ay ka helaan dowladii timaadaba.

Si taa la mid ah Siyaasadda Soomaaliya waa mid u fudud inuu soo galo qof kasta oo dhaqaale u heysta una badheedhi kara qamaarka dalka ka socda,waxaana muuqda waqtigaan ineey ganacsatadii awal maalgalin jiray Siyaasiyiinta qaraabadooda ah ay ku soo biireen loolanka socda, maadaama ay arkeen shaqsiyaadkii ay maal galiyeen 4 Sano ka hor oo hada Sheerer waaweyn ku leh ganacsigooda. magaaladana ka dhistay daaro waaweyn,balse waxa ay dadka ka faalooda Siyaasadu qabaan mar hadii ay Ganacsatada iyo Siyaasaddu isku soo gacan banaanaadaan in ay soo dagdagi doonto Geerida shacabka danyar taahi. .
Hadda Waxaa weli Dalka gudihiisa iyo Dibadiisaba ka socda xod xodasho Siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo wajiya badan leh maadaama sida la sheegay sanadkaan si loo yareeyo laaluushka ganacsatada darteed sare loo qaaday Qiimaha iibka, laguna soo kordhiyay Suuqyada Dilaaliin fara badan oo Qaarkood Seyladahooda ka soo xulay tiradii loo baahnaa lana soo dardaarmay kuwana laga sugayo iney si dag dag ah ku soo xulaan. si markaa ka dib la isugu wada geeyo hal suuq oo weyn oo ku wanaagsan Iibka iyo Baayaca Cododka shacabkuna kala socon karaan Shaashadaha Xaraashka mustaqbal kooda. .
Dhanka kale, Mulkiilayaasha Reer Galbeedka ah ee Siyaasadda Soomaaliya maal gashada ayaa Seyladaha waa weyn ee UAE. ETHIOPIA, TURKEY, iyo KENYA ,iyaguna ka wada maal mahaan gorgortan xoogan kaas oo salka ku haya sidii ay u kala xulan lahaayeen Ganacsatada Siyaasiyiinta ah ee ku haminaya ineey iibsadaan Soomaaliya 2016-ka . si ay u xukumaan.
Saadaal mooyee Wli ma cadda Musharaxa ama Kooxda ku guuleysan doonta Doorashada Sanadkaan 2016-ka loo madlan yahay, dhinaca kalena waxaa is dhex socda xargo badan oo Siyaasadeed oo lug jiidaya in Doorashadu ku qabsoonto waqtigeeda, Xanta ugu weyn ee la hayaana waa aragtida dalalka maal gashaday Soomaaliya oo weli ku midoobi la' Musharixii ay dalka u dhiiban lahaayeen,si ay ugu rumowdo riyadooda ah "" QAXI OO KA QAADO "".
Si ay murankooda uga sii jeediyaan Dadka Soomaalyeed ee damiirka leh iyo dalalka qabaar mooga ahna waxa ay gudaha Soomaaliya ka curiyeen dagaalo Qabiil iyo Mid siyaasadeed sida kan "DAACISH" oo heer Caalami ah, waxa ayna sidoo kale soo kala saareen Digniino iyo dhaliilo is daba joog ah,si ay ugu qiil baneystaan Liisaska Xildhibaanada iyo Musharaxiinta ay kala wataan,iyo caga jugleyn kaloo Siyaasadeed, oo lagu kala takoorayo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed, dhamaan calaamada haasina waa kuwa loo sababeyn karo Habaca iyo kala daadsanaanta ka muuqata Doorashada Sanadkaan iyo Niyad jabka ku yimid Musharixiintii soo hamiyay Hogaanka Dalka oo ay iminka Boodhadh koodu ku daaleen wadooyinka.
Hadaba, Mar hadii aysan Doorashadu ku dhici dooinin Hanaan iyo hufnaan toosan oo ku yimaada rabitaanka dadka Soomaalyieed, si aaneey u dhicina taa badalkeeda loogu Wanqalay Doorasho Dadban oo ay dad gaar ahi maamulayaan soow hubaal maaha in Musharax waliba uu ku soo darsan doono Goobaha wax lagu Dooranayo koox ama Qof uu lacag ku soo iibsaday una u soo xushay oo kaliya si uu isaga ugu codeeyo ama ay ugu Codeeyaan.
"Nin baa hada ka hor dani ka gashay Tolkiisa markaas buu si uu garta uga helo nin kaloo ka xoola yaraa oo ay is hayeen waxa uu Odayaasha Reerka u soo iibiyay Ri' buuran si uu ugu qalo, Maalintii dambuu isugu yeeray kuna casuumay Ri'dii , markii hilibkeedii la wada cunay ayuu u bandhigtay arinkiisa waxa ayna Odayaashii si aan kala har lahayn ugu xukmiyeen arinkii ay isku hayeen ninka kale, balse Ninkii isaga oo maqan garta laga xukmiyay ayaa ogaaday sida ay wax u dhaceen waxa uuna yiri "ISKA DAA RI'DAA I XUKMISAYE.."" .......hadda sow Xaalka lama oran karo Sanad kaan 2016-ka kama foga .............." RI'DAY DU HA II CODAYSO."" .!!!
== DHAMAAD /=
FG:-TANI WAA ARAGTIDEYDA.
WQ :-Abdulkadir Dulyar
... Muqdisho.

No comments