01.01.2015
Hadii laga soo gudbay ama laga soo bogsoonayo dagaaladii Qabiilka, Kuwii Hogaamiye Kooxeedyada, iyo Kuwii Diimeedka, Hada Kow iyo Kow waa Dagaalkii Suxufiyiinta.
Inkastoo aan bur burkii ka dib ka hadlayo waxaan u soo joogay Suxufiyiinta Muqdisho iyagoo waqti adag ku shaqeynaya oo aan baabuuro iyo Qoryo ama Hub wadan oo lugtooda maala, hadana is wada yaqaana,oo ku tartama mihnadooda, isna jecel oo guryahooda isku casuuma ama isku booqda maadaama Warbaahintu koobneyd, Shirarka Jaraaidna waaba la sii ogaa Suxufiyiinta imaanaya, waayoo waxa ay u gaar aheyd Reportarada oo qura,waana isku ixtiraami jireen Senior-nimada iyo hadalka oo xataa kuraasteey isaga kici jireen,maantase dadku waa wada Saxafi mid hore iyo mid dambe ismaba yaqaanaan ixtiraamna warkiisa daa .
![]() |
Idaacadda Codka Nabadeynta 1995-tii |
![]() |
Radio Shabelle 2003-dii |
Sidoo kale waxaan u soo joogay iyagoo isku hiiliya oo hadii Wariye laga xidho ama laga waxyeeleeyo,cidda waxaas ku fashay la wada colooba, oo ugu yaraan ku colaadiya qaadashada wararkooda,mar qurana go'aansada Saarista heesta WARIYAHA XAQ DHOWR,iyo in ay Idaacadaha isku waqti wada damiyaan, aad baana looga dareemi jiray magaalada in maalintaa dhiilo warbaahin jirto. Markaa Hey'ado shisheeye oo badan laguma xirneyn,Dowlad iyo Mucaaradna lama aqoon ee waxaa isku xirnaa Suxufiyiinta codkooduna wuu shaqeyn jiray.
Waqtigaan wax badan baa is badalay,Anigoon dafireyn ineey jiraan { Rag iyo Gabdho } Suxufiyiin wanaagsan ah oo dhowrsoon oo aan ku aamanayo dadaalkooda, hadana Maanta inta badan Suxufigu maaha kii la yaqaanay wuu is badalay, Ruux walbaana wuxuu furtay Warbaahin oo waxa uu Wariye ka dhigtay ugu yaraan 30 dhalinyaraa oo aan imtixaan u soo marin, amaba waxaa Suxufi noqday Wiil kasta oo fursad u helay Micrafoon aan la xisaabin oo aan la kala xigin,Warbaahintiina waxa ay yeelatay Baabuur iyo ilaalo hubeysan oo waayuhu ay badeen.Qaarkoodna iyagaaba hubka sita si ay ugu nabad galaan.
Tan kale Waxaa lagu kala tagay Aragti kasta oo horay loogu mideysnaa, waxaa kala adeegsaday Dowlad iyo Mucaarad, waxaa lagu kala beeray Qabyaalad iyo Qurun,Aragtideyda Waxaa ugu danbeysay fikir ay Warbaahintu isku raacaan Sanadkii 2011-kii waana markii la dilay MARXUUM C/SALAAN XIIS,.AUN oo aad ogeydeyn in aan loo kala hadhin duugtiisa iyo murugadiisa, hadeey ahaan laheyd Warbaahin Dowladeed iyo mid Madax banaanba,waxaana tala wadajir ah lagu qabtay shaqo aad u wanaagsan oo shacab iyo dowladba wada dareemeen Cududeeda.maalintaa wixii ka danbeeyayna Suxufiyiintii waxa ay noqdeen Baarlamaan waqtigoodii dhamaaday oo lakala diray.
Maanta labo isma salaanto, la iskumana soo galo, oo waa la isku uur xun yahay,la isma booqdo ,wax kasta oo horay u jiray waa la nasaqay, ma muuqato talo ay wada gaari karaan, Mid la xiray looma wada doodo lamana wada raadsho, bal waxaaba dhacda in ay qaar ku farxaan, Heeskii WARIYAHA XAQ DHOWR lama saaro Idaacadaha waayoo qolaa mucaaraday,oo la timid aragti kale, hadii 10 la xidho ama la Dilana lama dareemo dhiilo Warbaahin, midkii dhintana Meydkiisa lama wada Aasee howshaasi hadda waxa ey u gaar noqotay Warbaahintii ay gasho.
Intaa kuma ekee waa la is jaajuusaa ama farahaa la isku fiiq fiiqaa,lamana wada sheekeysto waayoo waa lakala shakisan yahay mana badna kulamada la isugu yimaado, mid waliba kan kaluu xamanayaa oo wax ka sheegayaa una raadinayaa Danbi lagu xidho,Sidoo kale Idaacad/TV- kastaa waxuu/waxeey farxaa ama faraxdaa marka la xidho Idaacad kale ama TV-kale oo malaha uu/ay arko/aragto in uu tartan kula jiro.amaba waxeyba qaarkood jeclaan lahaayeen in tooda mooyee inta kale la wada xidho, MOOYI SABABTAA.!! waxaana loo kala tartamaa
Saxiibtinimada Madaxda Amaanka qaabilsan,Qaar baa meela kale lagu sheeg sheegaa,waxaana dhinac kasta lagu biiriyaa xog qaldan oo aan xaqiiqda ku fadhin,dhanka kale Xiriirkii Hey'adaha u dooda Suxufiyiinta waa la wada bartay oo Station walbaa isagaa si gaar ah ula xidhiidha,isagoo leh cid iga wakiil ah ma jirto.hadii ay jiraan Ururo Saxaafadeedna waa ay yar yihiin ama koox koox baa loo kala aqoonsan yahay.
Saxiibtinimada Madaxda Amaanka qaabilsan,Qaar baa meela kale lagu sheeg sheegaa,waxaana dhinac kasta lagu biiriyaa xog qaldan oo aan xaqiiqda ku fadhin,dhanka kale Xiriirkii Hey'adaha u dooda Suxufiyiinta waa la wada bartay oo Station walbaa isagaa si gaar ah ula xidhiidha,isagoo leh cid iga wakiil ah ma jirto.hadii ay jiraan Ururo Saxaafadeedna waa ay yar yihiin ama koox koox baa loo kala aqoonsan yahay.
Ugu danbeyn halkaa markeey taagan tahay xaalku waxa uu marayaa hada sida aad aragtaan...Qoraal iska daaye muuqaal ayaaba la iska soo duubaa oo Si Public ah la iskugu caaynayaa ama la iskugu Aflagaadeeyaa iyadoo aan la kala xishooneyn, In si toos ah la isugu hanjabo, In mararka qaar weeraro dhaca la isku tuhmo iyo in hab Qabyaaladeysan loo kala safto,waana arin u soo koraysa sida Curad dhashay oo la kool koolinayo oo kale, oo hadii aan iminka xal loo helin Dhaawici doonta aayaha danbe ee Sharafta Suxufiga ama aan dhanka kaleba idhaahdee aan iminkaba wax yaqaan iyo talo waayeel ku baxin xakamahana u qaban ... waana hubanti in aan Aakhirka ka wada dhaxali doono ineey dhacaan wixii dhici lahaa.!!
![]() |
Radio Somaliweyn 2007-dii |
![]() |
Radio Quraanka Kariimka IQK 2001-dii |
![]() |
BBC Training Hargeysa 1999-kii Sawirka Midig Elmi Boodhari, Aniga, AUN Ustaad Yonis Ali Nor, Abdulkadir Olad, Asha Cuud |
DHAMAAD/=
FG:- TANI WAA ARAGTIDEYDA GAARKA AH,MANA QUSEYSO QOF AMA KOOX GAAR AH.
{ Abdulkadir Farah Dulyar }
Mogadishu.
Mogadishu.
No comments