WARBIXIN:- DHEEFTA WAX AKHRISKA LAGA HELO.!! . Qalikii Cali Cabdi Coomay

Dheefta Wax Akhriska laga Helo.
==================================

Dheefta wax akhriska laga helaa maaha mid la barbar-dhigi karo dhibka uu leeyahay, balse waa in la xusaa haddiiba uu leeyahay wax dhib ah. Wax akhris waxa aan uga jeednaa qofka oo hamuun u qabo in uu helo macluumaad iyo warar kala duwan si uu u kabo aqoontiisa, maskaxdiisa iyo fikirkiisa. Waa tii Soomaalidu ku maahmaahday “war la helyaaba Talo la hel”. Wax akhriska waxa laga heli karaa meelo kala duwan, sida Buugaagta, wargaysyada, bogoga Internet-ka ee qoonta guud lagu keydiyo, dhegaysiga sheekooyinka ay soo tebiynayaan dadka waayo-araga ahi IWM.
Dadka reer Hindiya ayaa hal-hays u leh oraahdan,” If you want to know someone’s Reading habits pay attention when He is talking, If He talk meaning, He is Big Reader, otherwise He is Empty Vessels”, oo micnaheedu noqonayo, Haddii aad doonaysid inaad ogaato, qofka wax akhriska badan, hadalkiisa uun dhegayso. Haddii uu xog iyo macluumaad ku hadlo, waa akhriste weyn (Big Reader), haddii kale waa weel maran. Dheefta wax akhriska laga helo laguma soo koobi karo qoraal kooban, waxa ay u baahan tahay in buugaag badan laga qoro, balse waxa aynu dul-istaagi doonaa qodobada ugu mihiimsan:

Abdulkadir dulyar Friday, January 15, 2016
MUNAASABADII QALIN JABINTEYDA MASS MEDIA EE JAAMACADDA PLASMA 31.12.2015

Abdulkadir dulyar Sunday, January 3, 2016
WARBIXIN:- SAXUFIYOOW WAXAAN U SOO JOOGAY.!! QALINKII DULYAR



01.01.2015

Hadii laga soo gudbay ama laga soo bogsoonayo dagaaladii Qabiilka, Kuwii Hogaamiye Kooxeedyada, iyo Kuwii Diimeedka, Hada Kow iyo Kow waa Dagaalkii Suxufiyiinta.
Inkastoo aan bur burkii ka dib ka hadlayo waxaan u soo joogay Suxufiyiinta Muqdisho iyagoo waqti adag ku shaqeynaya oo aan baabuuro iyo Qoryo ama Hub wadan oo lugtooda maala, hadana is wada yaqaana,oo ku tartama mihnadooda, isna jecel oo guryahooda isku casuuma ama isku booqda maadaama Warbaahintu koobneyd, Shirarka Jaraaidna waaba la sii ogaa Suxufiyiinta imaanaya, waayoo waxa ay u gaar aheyd Reportarada oo qura,waana isku ixtiraami jireen Senior-nimada iyo hadalka oo xataa kuraasteey isaga kici jireen,maantase dadku waa wada Saxafi mid hore iyo mid dambe ismaba yaqaanaan ixtiraamna warkiisa daa .

Abdulkadir dulyar