GEERAAR. XILKASNIMADU SAA MAAHAN.!!!






Xilkasnimadu saa maahan. 
Xurguf iyo naceyb maahan. 
Boob iyo xasarad maahan. 
Xulafeeysi beel maahan. 
Xoog iyo awood maahan. 
Maatida xasuuq maahan.
Xoolohooda dhaca maahan.
Agoontoo la xado maahan.
Xaqoodoo la cuno maahan.
Xamar yaysan degin maahan.
Rajadii xabaal maahan.
Dalku yuu xasilin maahan.
Been nagu xinsii maahan

.
Qaar u xilo maahan.
Saraakiil la xiro maahan.
Qarankoo la xado maahan.
Bada soo xaraash maahan.
Xildhibaan ku sheegyadiyo.
Xashka meesha noo dhooban.
Laaluush ku xaaq maahan.
Askartaada xoor maahan.
Xeeyn daabka madax tooyo.
Amison ku xeer maahan.
Xabashida la xiro maahan.
Gaalo daba xadreey maahan.
La wadaag xogtaa maahan.



FG;- XUQUUQDA WAXAA LEH ABWAANKII CURIYAY.

No comments