GEERAAR. XILKASNIMADU SAA MAAHAN.!!!






Xilkasnimadu saa maahan. 
Xurguf iyo naceyb maahan. 
Boob iyo xasarad maahan. 
Xulafeeysi beel maahan. 
Xoog iyo awood maahan. 
Maatida xasuuq maahan.
Xoolohooda dhaca maahan.
Agoontoo la xado maahan.
Xaqoodoo la cuno maahan.
Xamar yaysan degin maahan.
Rajadii xabaal maahan.
Dalku yuu xasilin maahan.
Been nagu xinsii maahan

Abdulkadir dulyar Friday, September 11, 2015
DAAWO:- WARBIXINTII DHISMAYAASHA. { STADIUM KOONIS Vs STADIUM MOGADISHU.!!}@DULYAR


DAAWO:-  WARBIXINTA DHISMAYAASHA { STADIUM KONIS Vs STADIUM MOGADISHU.!!}@DULYAR

                            https://www.youtube.com/watch?v=idKC6AKTiGE






  WARBIXINTII DHISMAYAASHA. { STADIUM KOONIS Vs STADIUM MOGADISHU.!!}

Markaan waxaan ku soo qaadan doonaa sheekadii xiisaha leheyd ee dhex martay 2 da Garoon ee K/Cagta Soomaaliya lagu cayaari jiray barisamaadkii  Tartamada Horyaalka iyo Janaraal Daa’uud ka, waa Garoomada Istadium Mogadishu iyo Konis Istadium ama Ispartibo Weekiyo.

2-da Garoon sida aad la socotaan waxa ay qeyb ka noqdeen bur-burkii guud ee dalka soo gaaray markii la riday Rukumadii ay ku taagneyd dowladii dhexe 1991-dii, waxaadse moodaa maanta in ay kala  nasiib iyo hooda wacan yihiin,waayoo mid ka mid ah waxaa laga bogsiiyay nabaradii dagaalada ka soo gaaray,waxaana la dhigay gogol qurxoon oo soo jiidatay bahda Sportiga,halka kan kalena uu weli la taahayo tiiraanyadii colaaddahii dalka ka dhacay,waxaana maanta ku hoyda Ciidamo shisheeye oo sidii bey weli  rasaasta iyo madaafiicdu ugu dhex dhacdaa har iyo habeen.
Dhanka kale  waa suurtagal in  ay labadaan Garoon   hoosta ka wada xiriiraan,iskana xaal wareystaan xaaladooda maadaama ay iyagu iska xigaan Ehel ahaan dhismayaasha kale ee Muqdisha ku yaala.

 Hadaba waxaa hadalka bilaabaya sida caadadaa hadba dhismaha wax goconaya,waana dhismaha ISTADIUM MOGADISHU, waxa uuna yiri:-

HALLO , ma I maqashaa.

HAA waan ku maqlaa Sxb,

Waxaan ahay  Stadium Muqdisho waxaanan filayaa in aad  I xasuusato, waxaan ahay Garoonkii ugu weynaa uguna caalamisanaa dalka Soomaaliya waxaan soo maray marxalado kala duwan waxaan soo arkay dagaalo dhexdeyda kadhacay oo tira beel ah,  qoloba qolo ayey iga qabsan jirtey, waxaana mar soo marti galiyay Ciidamo Ethopian ah oo si xun iila macaamilay, waxaana dhex deyda ku aasan  meeydad fara badan ka soo bilaaw baroonbaa kaqayb galay ilaa hada  oo ay igu dhex gaardiyaan Ciidamo Ugaandheys ah.ee Sxb adiga xaalkaaga ka waran

Koonis Stadium:-  Sxb,Anigu  si fiican baan kuu xasuustaa,waxaad tahay widaaygeey aan ku faani jiray marka  Dalkeena marti galin jiray  cayaaraha Caalamiga ah bari samaadkii, aanse kuu waramee Anigu waxaan soo maray dhibaato badan iyo dagaalo ,waana la bililiqeystay wixii I dhex yiilay sidaada oo kale,, mararka qaarna waxaan hooy u  soo ahaa Maleeshiyo beeleedyo, hadase xaalkeygu waa fiican yahay Sxb,


STADIUM MOGADISHU, oo la yaaban hadlkii ahaa Hadda xaalkeygui waa fiican yahay, ayaa  waxa  yiri,:=  Sxb waabaad iga farxisaye ii wad sheekada ma anigaad ii laab qaboojineysaa mise fiicnaanta aad ii sheegtay waa kaa run,

KOONIS STADIUM:= Waa iga dhab sxb,waayoo  waa la iga daweeyay wixii I soo maray ,oo waxaan ka helay  Xiriirka K/Cagta Soomaaliyeed oo kaashana FIFA ayaa  waxoogaa dayactir ah oo dib u soo celiyay bilicdeydii iyo farxadeydii, hadaad igu ogeyd Cows dabiiciya hada waxaa la igu goglay Cows macmal ah oo la mid ah kuwa ku goglan Garoomada Caalamiga ah, waxaa la iga dhex bilaabay Tartamadii Horyaalka dalka ee aan bari  wadaagi jirnay, balse Cayaartoyda igu dul cayaartaa sida iiga muuqata uma awood badna sida kuwii hore oo kale ,waana cayaartooy dhuudhuuban oo gaagaagaaban,malaha Aduunkii baa is badalaye, Sidoo kale waxaa ii soo daawasha taga dadweyne aad u fara badan oo xiiseeya Cayaaraha,waxaanse aad uga xumahay in  aan mararka qaar ka dhex  maqlo gudaheyga dhawaqa rasaasta oo dhowr jeer sababay Geeri da dad masaakiin ah oo ii soo faxad doontay.welina waa la I dhex keenaa Hubka marka cayaari socoto ,taana waxaa u sababa Madaxda iyo hubkooda oo  aan weli kala harin.

STADIUM MUGADISHO:=  Waxaad ii sheegtay Sxb war wanaagsan, balse Anugu weli ma  helin cid ii damqata ama i daryeesha,Dowlad iyo Shacaba waa la I iloobay, aniga oo ah Hooyadii Garoomada oo ay ii dhameystirneyd bilicdii lagu yiqiinay Tuulo Sport, hada la ima soo  booqdo, Wariyayaashu kama hadlaan xaaladeyda ee waxeey ka sheekeeyaan Horyaalada dalalka Yurub iyo wax aanan fahmi Karin oo aan hubo in aan bari ka qiima badnaa Anigu, wax kale iska daaye  Xidigii aan soo bar baariyay ee dalka dibadiisa u hayaamay xataa ima soo hadal qaadaan,waxeeyna ku ciyaaraan ama tartamada ku qabtaan sidaan maqlo  garoomo ku yaala dalal aysan u dhalan balse ay marti ku yihiin,WAY OO WAY habeenada qaar waxaan soo xasuustaa sida aan u ifi jiray iyo sida aan noqday.

STADIUM KOONIS:- BES BES SXB ha I calool xumeynin, lkn Waxaad ii  sheegtey in lagu iloobay oo aan lagu soo booqan, sidee taasi kusuurta geli kartaa waxaaba kudhex jooga Ciidamo ajnabi ah oo kuu ogoleyn in lagu Soomaalidu ku soo salaantee, inagaba hada waxaan ka cabsi qabaa ineey hadalkeyga maqlaan.

STADIUM.MOGADISHU;- Waxba ha cabsan sxb anigaba hada 25 Sano ka dib  dulqaadkii baa iga sii dhamaanaya  oo waxaan ku fikiraa mararka qaar in aan qaato dhalashada Ugaandhayska, maadaama aan  in mudaa iyaga  la noolahay oo aan iloobay dabeecadii Soomaalidaba.

KOONIS STADIUM;- Bisinkee Sxb samirka badi,waxaa macquula in lagula sugayo Dowladda Shiinaha oo aniga oo kaa weyn aan waxba ii qaban ,balse aan ogaa sida ay adiga kuu qurxisaye.

STADIUM MOGADISHO, Shib iska dheh , waxaas waa waxa aniga iyo Tiyaatarka qaranka nalaku maa weeliyo Shiinahaa idin dhisi doona war idhageyso inagu ma waxaan ahay qayb Shiinaha kamid ah Sow dhul Soomaliyeed ma ahi,aaway dadkeygii,aaway madaxdeydii aaway caruurteydii……

STADIUM KOONIS;- Alla Waa runtaa sxb ee waa inoo duhur kale.


                                                     DHAMAAD/=




Waxaa wada Diyaariyay.

Abdulkadir Dulyar iyo Wariye Ceydiid C/rixmaan

Muqdisho/Soomaaliya.

Abdulkadir dulyar Thursday, September 3, 2015
SIFOOYINKA SOOMAALIYA.!!! WQ:Axmed-Assad M. Awaare





Afkaagu waa Soomaali, Araggaaga suubani waa Soomaali, Waxaad tahayna waa Soomaali! Waxaadna tahay bir-lab, waqtigii aad nuuri lahaydna wuu soo dhaw yahay. Aabbe, adkayso muddo yar, liibaanta waad gaari doontaa inshaa Allaah! 
Bal daalaco sifooyinkan dalkaaga iyo dadkaagu leeyihiin: 
1 Dadkii ugu horeeyay ee ogaaday inay duummada keento kaneecadu
2 Dadkii ugu horeeyay ee African ah oo diyaarad lagu soo weeraray(Taleex)
3 Dadka leh xeebta Africa ugu dheer (3025 km)

Abdulkadir dulyar