XASHKA BAB DHEH, WIXII KU JIRA HA SOO BAXEENE.!! WQ:Dulyar

Tan iyo markii ay bilaabatay xiisadda u dhexeysa Somalia 🇸🇴 iyo Ethiopia, sida aan la wada socono horey looma arag wax war ah oo ka soo baxay dhanka Madaxda Maamul Goboleedyada dalka, Sidaas daraadeed, mar haddii ay maanta intooda badan isku yimaadeen Madaxda Golaha wadatashiga Qaran, waa muhiim iyadoo laga faa’ideysanayo fursaddan iney si wadajir ah u cambaareeyaan damacii ay Ethopia ku soo haweysatay dhulkeena iyo Baddeena, iyo xadgudubyada uu Ciidankoodu ka wado Gobolada dalka qaarkood. . Majiro ayaan is leeyahay qodob ka muhiimsan oo lagu xariiqi lahaa war murtiyeedka ka soo bixi doona, marka uu birito soo xirmo shirka Madasha Golaha Wadatashiga Qaran “GWTQ”. Haddiise laga waayo war Murtiyeedka qodobkaas oo Caalamka & Ethiopia qudheeda u muujinaya in madaxda Soomaalidu ay ku mideysan tahay difaaca iyo ilaalinta Xuduudaha Dalkooda, waxey Madaxda M/Goboleedyada iyo Madaxda DFS labadaba ku noqon doontaa, fashil weyn oo muujinaya in Shirkoodu uu ahaa mid ay danahooda gaarka ah uga wada hadlayeen, ee uusan aheyn mid ay uga wada hadlayeen danaha guud ee dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Soomaalidu waxey tiraahdaa, XASHKA BAB DHEH,WIXII KU JIRAA HA SOO BAXEENE, hadda bal 👀👀👀halagu wada hayo War Murtiyeedka ka soo bixi doona GWTQ, waxbaa salag lehe Maryooleey iinshallah. Maxaa yaab isdabayaal

Abdulkadir dulyar Wednesday, October 2, 2024