Nin dhalinyaro ah oo halbowle ka go’an yahay ayaa Cusbitaalka la keenay, dhakhaatiirtiina waxey yiraahdeen waa in si Degdeg ah dhiig loogu shubaa bukaankan hadii kale xaaladdiisu waa qatar, waxaa goobta yimid 3 Wiil oo la dhalatay bukaanka, balse nasiibdaro sadexdaba isku dhiig wey noqon waayeen, xaalkiina wuxuu ka badin waayay in dadkale oo qaraabada ah teleefoono laga waco,
Nasiib wanaag, Nin dhalinyaro ah oo Hospitaalka bukaan kale ku hayay ayaa wuxuu arkay xalaaddan cakiran ee meesha ka jirta, wuxuuna eheladii Wiilka dhiiga u raadinayey ku yiri, waa noocee dhiiga aad bukaanka u rabtaan,? mid ka mid ah ehelka oo aan rajo badan ka qabin Ninkaan ayaa ku yiri, waxaa loo baahan yahay dhiiga noocaas ah, Wiilkii ayaa ku yiri, Annaa bukaanka dhiiga u shubaya oo aan isku dhiig nahaye ina keena, mar qudha ayaa reerkii wada kulansaday farxad iyo iney Wiilka u mahadcelinayaan.qaarkood ayaa markii uu dhiiga u shubay isku dayay iney lacago siiyaan, balse Wiilkii waa uu ka diiday oo wuxuu ku yiri, Anigu dhigeyga waan sadaqeystay ee raali ahaada.
Wiilkii dhaawaca ahaa oo xaladdiisu sii liidatay ayaa waxaa durbadiiba loo qaaday Saalada qaliinka iyadoo uu ku socdo dhiigii loo shubay, mudo yar kadibna waxaa laga soo saaray isagoo xididkii halbowlaha loo hagaajiyay xaalkiisuna wacan yahay.
Eheladii Wiilka bukaanka ahaa oo markaan xaalkoodu Bravo yahay, ayaa inta Wiilkii dhiiga u shubay teleefoon ka wacay u mahadceliyay, maadaama uu horey ugu sheegay inuu qof bukaana Hospitaalka ku hayo, Wiilkiina wuxuu ku yiri, waa kheyr galabta ayaan idin soo booqanayaa iinshallah. markii uu galabtii soo booqday ayay Reerkii Wiilku si fiican u soo dhaweeyeen, waxaana loo geeyay Wiikii uu dhiiga u shubay, wada sheekeysi kadib, Wiilka bukaanka ahaa Edadiis oo qof weyn aheyd oo meesha joogtay ayaa Wiilkii ku tiri, Hooyo aan isbaranee Adigu Reerkee tahay, ?
Wiilkii oo iska beesaani ahaa xoogaana qajilay ayaa ku yiri :- Reerkaas baan ahay, Maamadii su’aal dambe kuma celin, iyaduna uma sheegin Reerka ay yihiin, waayoo waxey ka baqday in Wiilku ka dido oo hadii dhiig kale loo baahdo uu u shubi waayo. laakiin waxeysan ogeyn in Wiilkaani uu ciyaal Xamar iska yahay oo uusan Qabiilka u aaminsaneyn sida ay iyadu u aaminsan tahay.
Ka waran marka, hadii Adigoo bukaan ah oo xaaladdaadu halis tahay, dhiigna u baahan lagu keeno Cisbitaalka oo aad Walaalahaa iyo qaraabadaada isku dhiig noqon weydaan, balse uu dhiigiisa kuugu deeqo naftaadana ku badbaadiyo Ruux aadan aqoon oo aydnaan isku Qabiil aheyn, sow markaa lama oran karo marhadii Walaalahaa kula dhashay aysan dhiigooda naftaada ku badbaadin karin, Adiga waxaad walaal iyo ehel tihiin midka aad dhiiga isku shubi kartaan reerkuu doono ha noqdee, kaasaana u baahan inaad is ilaashataan oo aad dadka kale iska xigsataan.
Dabcan, dhacdooyinkan oo kale waa kuwo si maalinle ah loogu arko Cisbitaalada dhexdooda, sidaas daraadeed sow ma haboona in bulshadeena lagu baraarujiyo arinkaan, si Qofwalba uu u ogaado in qofka kale ee uu Reer ahaanta u dilayo ama u colaadinayo uu yahay, midkii birito marka ay Walaalihiis iyo qaraabadiisa isku dhiig noqon waayaan. isagu naftiisa ku badbaadin lahaa dhiigiisa. halkaas markeey taagan tahay waxaan oran lahaa, QOFKA WAXEY ISKU QABIIL YIHIIN MIDKA AY DHIIGGA ISU SHUBAAN.!!
Maxaa yaab isdabayaal.
WQ/= Abdulkadir Dulyar
ILAASHO RUUXA AAD DHIIGGA ISU SHUBTAAN.!! WQ/-Dulyar
Abdulkadir dulyar
Sunday, June 16, 2024