30 SANO GUURADA DHACDO XANUUN BADAN.!!WQ/-Dulyar

•30 SANO GUURADA DHACDO XANUUN BADAN.!! Diyaaradaha Maraykanka ayaa 30 sano ka hor 12-kii July 1993 dii duqeyn ku bartilmaameedsaday guri uu daganaa Xoghayihii Arimaha Gudha ee USC/SNA Md Abdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ay ku shirayeen qaar ka mid ahaa Siyaasiyiintii & taageerayaashii AUN General Maxamed Faarax Caydiid. =Waxaana halkaas ku geeriyooday Allaha u wada naxariistee 75 qof oo Siyaasiyiin,Aqoonyahano,Culimo, Saraakiil,Odoyaal,Ganacsato,Haween,& Dhalinyaro qiimo badan isugu jiray, Dabcan Ciidamada uu Mareykanku horkacayay waxaa Warbixin hoose lagu soo siiyay in Shirka uu ku jiro AUN Jan Ceydiid,balse waxay qadarta Alle ay duqeynta bilaabeen inta aanu Guriga soo gaarin Oo waxaa la ii sheegay in Jan Ceydiid uu ka laabtay Tarabuunka marka ay duqeyntu bilaabatay. Maalintaan goob joog baan u ahaa Anigu waxaana ku sugnaa darbiga Isgoyska Digfeer oo aan sidaa uga fogeyn guriga duqeyntu ku socotay iyadoo ay saacado badan na rasaaseynayeen ciidamada Mareykanka oo watay diyaaradaha Copra,Abaja, Helicopter-da Ciidamada xambaara iyo AC-130 oo dusha sare heehaabeysay, waxayna markii dambe nagu garaaceen Bambooyin Run ah & kuwa dheemash ah oo dhawaaq weyn si ay goobta u baneystaan oo shacabka ugu kala eryaan balse waanu ka diidnay Waxaana dagaalka sii daba dheereeyay markii Isgoyska Digfeer agagaarka sheneemo Nasar lagu dilay 3 Journalist oo labo Kenyati aheyd midna cadaan ahaa oo duqeyntu markey dhacdayba goobta soo gaaray, balse dhalinyaro careysani ay rasaas ku furtay, diyaaraduhu waxey doonayeen inay Meydka qaataan dadkuna waa u diidanaayeen, inkastoo markii dambe ay diyaarad Helikopter ah oo soo dagtay ay qaaday Meydkii, Wariyayaasha oo 4 ahaa, waxaa ka badbaaday hal Wariye oo cadaan ah kaas oo isagoo cararaya oo meel laga xigo aan garaneyn uu wadada ka qaaday Allaha unaxariistee Duguf oo markaa ahaa sida la ii sheegay Tagsiile,wuxuuna geeyay Hotel Shamow oo uu wariyuhu u sheegay in ay deganaayeen, waana halkaas meesha uu ka bilowday xiriirka AUN Duguf & Wariyayaasha ajaanibta ah oo markii dambe uu isagu la wareegay amnigooda oo dhan. NB/-Taariikhdaan iyo Guriga ay ka dhacdayba waxey mudan yihiin in la xafido oo aan sahal lagu iloobin ama loo tirtirin raadka xusuusteeda. Dhamaan intii ku dhimatay dhacdadaan gardarada ah oo Waalid , Ehel & Sxb iyo Soomaaliba lahaa Allaha u wada naxariisto Aamiin, inta ku dhaawacantay ee noolna taariikhdan ha ka reebaan diiwaanada ku dhiganta. FG: Sawirku waa Aniga iyo Col Siciid Bulbul oo ka mid ahaa xiligaas saraakiisha USC/SNA. dhacadadaana ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb qaadaneysay.!! WQ/= Abdulkadir Dulyar.

Abdulkadir dulyar Wednesday, July 12, 2023