WARBIXIN:- XAGEE KA YIMID KHILAAFKA DFS & PUNTLAND.! WQ/-Dulyar

XAGEE KA YIMID KHILAAFKA U DHEEXEEYA DFS & PUNTLAND.? Khilaafka DFS & Puntland u dhexeeya, waa mid shaqsiyadeed oo ka soo bilowday gorgortan siyaasadeed iyo balamo ay isaga baxeen xiligii ay mucaaradka ku wada ahaayeen Madaxweynihii hore Farmaajo iyo xiligii ay doorashada ku wadajireen MD Hassan Sheikh Maxamuud iyo MD Siciid Dani, inkastoo labada Odayba ay in mudo ah khilaaf kooda qariyaan, hadana waxey ka fursan weyday in ay kula galgashaan ama ay ka dhigaan khilaaf u dhexeeya DFS & Puntland. Dabcan, waxaa s todobaadyadii u dambeeyay socday dedaalo la doonayay in lagu xaliyo xiisadda ka dhex taagan labada Oday, kii u dambeeyayna waxa uu ahaa ergadii ka koobneyd Odayaasha 3da Maamul Goboleed, ee uu MD HSM u xilsaaray iney MD Dani ugu tagaan gurigiisa lana fadhiistaan, taas oo uu hor istaagay MD Dani, Halkaas markeey taagan tahay, Soomaalidu waxey tiraahdaa, "Kaadi badane waa loo gogol badiyaa" waxey aheyd in MD HSM uu Ergo kale oo labada Aqal ka kooban u xilsaaro, marwalbana uusan ka caajisin sidii uu Dani ugala fadhiisan lahaa, wixii tabasho ah ee uu asaga gaar uga tirsanayo....taasina ma dhicin. Dhinaca kale, hadii Madaxda DFS ay go’aansatay in ay MD Dani weerar afka ah ku qaadaan, laguna ifiyo toosh afar qaad ah caqabadaha uu la hortaagan yahay, malaha waxaa habooneyd in Madaxweynaha iyo RW ay isku kala qeybiyaan 2 kooxood, oo midina uu weerar afka ah ku qaado, midna uu geed fadhi u noqdo arinka, si hadhow loo helo mid xaliya wixii dhexmaray labada Oday, ....iyaduna ma dhicin. MD HSM oo ka carooday diidmada uu MD Dani diiday Odayaashii Ergada ahaa ee uu u xilsaaray arinkiisa, ayaa khudbad uu ka jeediyay masjidka maalin jimco ah, waxa uu si adag uga hadlay Arimaha Puntland, isaga oo yiri “Puntland waxey dhisan tahay 24 sano ee Daniyoow 24 maalmood ha ku burburin” iyadoo hadalkaas la rogrogayo, dadkuna uu ku baraarugay khilaafka oo uu MD HSM maalmo ka hor ka sheegay kulan doodeed loo qabtay, in aanuu jirin wax khilaaf ah oo DFS & Puntland u dhexeeya, ayaa markale RW Xamza oo isna xili habeen ah khudbad jeedinayay,wuxuu si adag uga hadlay Puntland iyo Siciid Dani, markalaa xaalkii cirka isku shareeray,, balse dad badan waxey isweydiinayaan hadii dagaalku markii hore u dhexeeyay MD HSM iyo MD Dani, uu iminka Rw Xamza ku soo biiray, tolow yaa wax xalin doona.? ama yaa wax isku soo jiid jiidi doona.? Tankale, hadaladii MD HSM iyo RW Xamza ay kaga hadleen arimaha Puntland, waxeyba fursad u noqotay MD Dani oo markii hore hadalku ka xirnaa, waxey kaloo keeneen in uu Dani ku helo taageerayaal farabadan oo uusan awel heysan, sidoo kale waxey hadaladoodu meesha ka saaareen, Odayaashii Puntland ee awel MD Dani ku cadaadinayay in uu Dowladda dhexe wax la qabsado oo uusan Puntland ka dhigin mid go’doon ah, tan ugu darani waa, iney hadaladoodu caqab ku noqdeen Odayaashii iyo Siyaasiyiintii Dani mucaaradka ku ahaa, oo hada haddii ay hadlaan, waxaa lagala hor imaanayaa dowladda dhexe ayaa lacag idinku soo siiyay inaad Puntland dumisaan, FULL STOP 🛑 Laakiin weli fursad baa jirta, iyadoo laga faa’ideysanayo waayo aragnimadii laga kororsaday, sidii ay Maamul Goboleedyada qaarkood iyo mucaaradka oo iskaashanaya ay 2dii sano ee u dambeysay waqtiga uga lumiyeen Madaxweynihii hore ee Farmaajo, ma fiicna in dowladdaana ay murano Siyaasadeed waqti iskaga khasaariso, maadaama ay howlo muhiim ah horyaalaan, sida dagaalka Khawaariijta, xasilinta Amniga, Deyn cafinta, iyo qabashada doorasho qof iyo cod ah. . Sikastaba ha ahaatee, waxaan kula talinayaa, madaxda dowladda dhexe, in ay intii karaan keeda ah ka baaqsato dagaal Siyaasadeed dabo dheeraada iney xiligaan la gasho Puntland iyo Maamulada kaleba,si ay uga dhabeeyaan halkudhigoodii ahaa “SOOMAALI HESHIIS AH, DUNIDANA LA HESHIIS AH” waa in la abaaraa wadooyinka iminka furan inta aaney xirmin, waana in ay xiisaddaan u xilsaaraan Gudoomiye Abdi Hashi iyo Rag xul ah oo isugu jira Xildhibaano iyo Odayaal, fursadna loo siiyo iney usha dhexda ka qabtaan. BAAQ:- Mudanayaal, Shacabka Soomaaliyeed iyo duniduba, wey ka daaleen isqabqabsi joogta ah, oo marwalba ka imaanaya baarqabyada Siyaasadeed ee dalka, sidaas daraadeed Ilaaheey intaad ka yaabtaan isu tanasula, oo fura albaabada wadahadalka, si aysan dadkeena iyo dalkeenu dib ugu laaban ee aan horey ugu sii wada socono.!!! Mahadsanidiin/= FG:- Waa Aragtideyda gaarka ah.!!! Maxaa yaab isdabayaal.!!!

Abdulkadir dulyar Thursday, May 11, 2023