-Hallo Hallo, ama isgaarsiinta gacanta lagu qaato ee ay ku wada xiriiraan Heyadaha Amniga oo aan si gaar ah uga hadlayo, waxaa ka muuqda habac iyo dhowrid la’aan maadaama loo gacan galiyay dhalinyaro aan si adag u fahamsaneyn ilaalinta xogaha Amniga iyo kuwa wada xiriirkooda.
-Midda koowaad:- waxaa wata dhamaan Saraakiisha ciidamada dowladda iyo shirkadaha Security private’s ka ah ee dalka jooga,waxaana dhacda inaaney gacamadooda ka taxadarin marka ay shacabka ku dhex jiraan,Maqayadaha fadhiyaan,Xafladaha Aroosyada ka qeybgalayaan amaba ay xaafadaha si caadiya u joogaan.
•Tusaale waxaad arkeysaa Sarkaal fadhiya mid ka mid ah Hoteelada Muqdisho oo la fadhiya axsaabtiisa waxa uu gacankii oo waaq waaq leh dhex dhigayaa miiska hareeraha laga fadhiyo halkaas baa qof walba oo goobta ka dhow iyo adeegaha baarkuba kala socdaan waxa ay ku wada xiriirayaan Heydaha Amnigu..
•Mararka qaar waxaad arkeysaa, sarkaal gacankiisa u dhiibaya ilaaladiisa ama xaaskiisa kuna leh xoogaa baan indho gaduudsanayaaye gacanku ha kuu shidnaado oo hadii balaayo weyni dhacdo i toosi,markaas ayaa qofka loo dhiibay waxa uu kula dhex xaragoodaa xaafadda oo dhan.
•Midda aan laba soo hadal qaadin waa waxaa jira saraakiil ama masuuliyiin ka shaqeyn jiray Amniga oo xiliyo kala duwan shaqada laga joojiyay mid walba waxa uu gurigiisa la aaday dhamaan agabkii uu u hayay Heyadaha Amniga oo ay Gacamadu ku jiraan mana jirto cid uga daba tagtay ama uga daba tagi karta waayoo waaba ruux xanaaqsan oo shaqadii laga joojiyay oo cadho la dilaaci raba.
•Mararka qaar waxaaba dhacda, in aad aragto xogheyn Wasiir oo heysta 3-4 Gacan Mid Gaashaandhiga ah,Mid Nisa ah,mid Stafka Wasiirka u gaar ah welina raadinaya Gacankii Poliska,marka aad tiraahdo sideed yeeleysaa ma Adigaa Police ka ka tirsan? Wuxuu ku leeyahay kaasaaba ii muhiim ah oo aan kala socon lahaa dhaqdhaqaaqa beledka beerka caadho ku goysay, war wuxu jeebab badanaa hhhhh
•Balse midda ugu darani waa in mararka qaar oo ay Muqdisho ka jiraan xaalado kacsan ama Qarax iyo weerar dhaco in Gacamada qaar loo xidhiidhiyo dad Qurbo joog ah si ay xaaladda jirta ula socdaan taasina waa arin ka fog sharciga iyo Nidaamka Ciidanka.
•Ugu dambeyn waxaa haboon si ciladahaas wax laga qabto, In 7-aadkiiba mar la wada bedelo Frequency -ga. Lagu galo gacamada Amniga looga wada hadlo.Sidoo kale waa in aan saraakiisha iyo Gudoomiyayaasha ama Shaqsiyaadka Amniga ka shaqeeya, aan la gudoonsiin gacamada ilaa laga siinayo, marka hore tababaro quseeyo hab isticmaalka iyo dhowrista sirta Amniga iyo in la baro hadal sireedyo ugaar ah Hey’daha Amniga, oo aaney shacabku la fahmi Karin marka ay ku dhexjiraan iyo ugu dambeyn In sharciyo ciqaabeed lagu xukumo cidii ku xadgudta loo sameeyo, hadii kale Waxaad maanta bi’saan biri ha u shalaayina.!!!
MAXAA GACAMO WAAQ WAAQ LEH ISDABAYAAL.!!
=WAA ARAGTI DEYDA GAARKA AH./=
Maxaa yaab isdabayaal
TALO SOOJEEDIN:- COWRADIINA NAGA ASTURA.!! WQ-Dulyar
Abdulkadir dulyar
Monday, April 17, 2023