WARBIXIN: SU’AAL KU SAABSAN WAXBARASHADA AAN DOONEYNO.!!

Weydiin ku saabsan waxbarashada aan doonayno ------ Cirbixiyeen u dhashay dalka Masar, Dr. Casaam Xajji, sidoo kalena ah cilmi-baare ka tirsan wakaaladda Hawada-Sare(NASA) ee Maraykanka, waxa uu leeyahay: Waxbarashadu waa hub awood leh oo lagu la dagaalami karo argagaxisada iyo kelitalisnimada. Waxaana hadalkaan lagu faafiyay Telafashinka Al-jazeera, barnaaamijka(Al-muqaabalah), wariyaha caanka ah ee Ustaad Cali Al-Dhafiri. Waxaa jirto labo nooc oo waxabarasho ah. Mid waa talqiin/laqamin ama meerin, buugaagta ayaa laga soo miin-guuriyaa caqliga ayaana loo sii gudbiyaa, caqli ayay ka tagtaa caqli kale ayay u gudubtaa. Waxbarashada noocaani ah waxa ay sameysaa maktabad cusub oo nolosha ah, dalkana koobi ayay ku soo cel-celisaa, wax cusubna nolosha ku ma soo kordhisa, wax cusboonaysiin ahna ma lahan. Nooca labaad, waxa uu ku dhisan yahay, ugu horreyn soo-guurin, marka labaad hal'abuur, saddexaad naqdin, affaraad in wax lagu soo kordhiyo, shanaad cusbooneysiin, lixaad na in aragtiyo laga la soo dhex baxo. Horumar ma jiro waxbarasho la'aan, manhaj la'aanna waxabarasho ma jirto, suurtogal na ma ahan in manaahij la helo ayada oo aan aragti la heysanin, aragtidu na rag ayaa ka danbeeyo, waana in raggu lagu ka la sooco aqoon iyo fikir. Dadka heysto shahaadada PhD dalka Masar waxa ay ka tiro badan yihiin tirada darajada PhD heysto ee dalka Faransiiska, sida uu caddeeyay Ustaad Fahmi Huweydi maqaallo uu dhawr mar ku baahiyay jariidada Al-Ahraam Al-Masriyah, laakiin, weydiinta ayaa ah, halkee ayay Masar joogtaa marka France loo fiiriyo? Jaamacaddu marka ay noqoto xarun aqooneed, waa in ay ka gudubtaa fikradda (Waxbarasho Talqiiniga) oo ay u gudubto fikradda (Hal-abuurka, ibba-furidda iyo wax-soo-kordhinta) markaasi ummaddu waxa ay billaabaysaa in ay ka baxdo marxaladda u hoggaansanaanta indho-la'aanta ah, una gudubto heerka su’aal-is-weyddiinta. Aqoontu waa is-waydiin, waana fure, mana ahan jawaab[helid]. Waa billowga mana ahan dhammaadka. Jahli ayaana u sugnaaday qofkii maleeyo in uu wax-garanaayo. Oraahdani waxaa loo tiiriyaa Imaamu Shaafici, Allaah u naxriisto, hal'abuuraha Cilmiga Fiqhiga, kaliya ma uusan ahayn mid soo-miinguuriya ee waxa uu asaasay cilmi, waxa uuna dajiyay hab-fikir. Cilmiga Usuulu Fiqhiga, aniga ahaan, waa aqoonta seska fekerka toosan, micnaha waa hab-fikir cilmiyaysan iyo tab-aqooneedka. Jaamacadaha dalkeenna xaalad musiibo ayay ku sugan yihiin. Dadka waxa ay ku bartaan aqoon gaar ah, waxa ayna ka qalinjabiyaan ayaga oo xanbaarsan wax ay dadka caamadu garanayaan. Farqiga u dhaxeeya qalinjabiyaha iyo caammadu, waa tirada ee ma ahan tayada. Macluumaadka uu maskaxdiisa ku xanbaarsan yahay aad ayay u faro-badan yihiin, balse xogtaasi ma ahan mid ayagu(caammada) kaga roon yahay xagga tayada, sidaas darteed wax farqi qoto-dheer in uu u dhaxeeyo u ma arkaana. Dhanka kale, qalinjabiyaha jaamacadaha reer Galbeedka waxa uu is ku dayaa in uu ahaado mid soo kordhiya wax tayo leh, oo uusan ahaan Kombuyuutar xog badan lagu keydiyay. Maanta xogaha waxaa lagu keydiyaa agabyada, maskaxduna waa in loo tabo-baro, hal'abuur, bandhig, wax soo kordhin, cusbooneysiin, kaliya ma ahan in lagu celceliyo waxa ay kuwii hore yiraahdeen, iyo in la xifdiyo waxii ay dhaheen kuwii hore ee tagay. Saamaynta Ibnu Khalduun, macluumaadkiisa culus kaliya ma ahan, ee tab-aqooneedkiisa waa tabtaas, iyo bandhigiisa manhajka cusub ee sida loo la falgalaayo taariikhda, sidoo kale hal'abuurkiisa sida loola dhaqmaayo afkaarta Taariikhda. Asiga waa qofka koowaad ee gartay sidee ayay dowlad ku dhismi kartaa? Maxaane? Sidee ayay dowlad ku burburi kartaa? Maxaane? Waa maxay manhajka lagu la dhaqmaayo taariikhda si loo fahmo dhacdooyinka? Asiga waxa uu Ibnu-Kathiir, Dhabari, iyo Ibnu Al-Athiir ku khilaafay sida ay u akhriyeen Taariikhda, ayagu si ammaano leh ayay warka(taariikhda) ina gu soo gaarsiiyeen, balse asiga waa is dul taagay warka xaggeena loo soo guuriyay, waxa uu na ka la dhex baxay qaacidooyin jideed [noqday] oo aysan cid na kaga horreyn. Dhibta ina haysato weli waa soo-guurinta, caqliga qofka muslim ka ahna heerkaas ayuu gaaray, sidaasina waan ammaanaynaa Ibnu Khalduun, waxna kuma kordhin, waxna waan ka qoranaynaa, afkaarihiisana ma naqdin karno in yar mooyaane. Annagu waxa aan ku wanaagsannahay soo-guurinta, mana lihim hal'abuurnimo. Waxa aan arkay Al-Ustaad Jaabiri oo Ibnu Khalduun ku akhrinaayo ruuxda casrigaan, balse naqtiin la gacan-bidixeeyay, sida aan ku arkay Camaadu-diin Khaliil oo asigana akhrinaayo Ibnu Khalduun, balse is ku dayaayo ka gudbitaankeeda, taariikhdana ku sameymaayo akhris cusub, iyo marjic quraan oo aan la hore loo arag. Haseyeeshee aqoonyahannada akhriyo Ibnu Khalduun[Taariikhda] badigood weli waxaa heysto dhibka(Soo-guurinta), aad na ugu xooggan. Waxa aan haysannaa fikir iyo fahan dheeraad ah, balse in yar[adeegsato], waxayna ahaan karaan kuwa loo diiday. Sababtuna waa badnaashaha caqliyadda hayin-raaca, iyo yaraanta caqliyadda wax-is-waydiinta. Sababtu waa nidaamka waxbarsheed ee halaagga ah, waddo aan ahayn baddelitaanka nidaamkaasina inoo ma furna. Qaabaynta maskaxda waxa ay ku xiran yahay tayada waxbarasho, tayada waxbarashaduna waxa ay ku xiran had ba fikirka ka jira saaxadda. Maxaannu doonaynaa? Waa maxay nolosha aan samaysanayno? Waa kuma qofka ka qalinjabinaayo dugsiyadeenna? Singabuur waa ay guulaystay ka dib markii ay baddeshay tab-aqooneedka(manhajka) waxbarashada, Malaysiya na waa ay guulaystay markii ay qorsheysay is-baddel ku samaynta nidaamka waxbarashada. Ameerikana waa ay ka horumartay Ruushka, markii ay dib u habayn ku samaysay nidaamka waxbarashada. Finland waxa ay noqotay dalka koowaad ee dadka daryeelo, caafimaad iyo waxbarasho, ka dib markii ay go'aansatay in ay noqoto waddanka koowaad ee waxbarashada. Jabbaan waxa ay ku guulaysatay warshadaha iyo maamulka, markii ay go'aansatay macallinka Xannaanada iyo Dugsiga Hoose in uusan, boos iyo mushaar, ka yaraanin[hoosaynin] macallinka Jaamacadda. Dhammaan sidaas ayay nolosha kaga yeeleen mid wanaagsan oo cajiib ah, waayo, waxaas oo dhan waxbarashada ayaa ka danbeyso[suurtogalisay]. Marka cilmi-baaraha uu qoro maqaal, maqaalkana uu ku faafiyo wargaysyada, ardayga dugsiga sare na uu is ku dayaayo akhrintiisa, ka dibna uu fahmaayo dhib la'aan, ogoow maqaalkaasi waa mid liito. Balse, marka Cilmi-baaraha uu qoro maqaal, uuna ku faafiyo wargays aqooneed, annaguna is ku na dayno in aan fahanno, balse aan si fudud ku fahmi wayno, markaas waxaan ogaanayna in maqaalkaasi miisaan uu leeyahay. Labaatan sano ka hor waxa aan akhriyay maqaal uu qoray Dr. Cabdiwahaab Al-Masiiri, wargayska Al-insaan, kuna saabsanaa Ilbaxnimada Reer Galbeedka. Waxaan akhriyay in ka badan hal mar, balse mar walba oo aan maqaalka ku laabto reer galbeedka waxaa igaga kordhaayay fahan hor leh, iyo sidoo kale[ii kordhaayay] u dhowaansho fikirka Dr. Al-Masiiri. Sidaas awgeed, waxa aan leeyahay; Qorista maqaalka waxa uu tilmaamayaa heerka aqoonta cidda qortay, ee kaliya[muhiim] ma ahan xog badnaanta maqaalka. Xog-badnaanta waa loo baahan yahay haddaysan noqon war Waraabe[tororog], sida uu yiri Allah u naxriisto Al-Masiiri. Balse, waxa ugu muhiimsan waa awoodda taxliilineed iyo tilmaanta[qoraaga]. Annagu waxa aan dalkeenna wax u gu baranna waxbarid[waxbarasho] awgeed, qaarna waxa ay wax u bartaan si ay umminimada kaga baxaan, micnaha si ay akhriskooda u wanaajiyaan. Dadka dalalka horumarayna waxa ay wax u bartaan si ay horumar u sameeyaan, si ay wax u soo kordhiyaan. Wax soo kordhin ma jirto wax naqdin la'aan, naqdinna ma jirto ayada oo aan la samayn dad garaad u saaxiib ah, samaysankaasina waa shaqo aad u wayn oo la xiriirta in waxbarashada laga baddelo dunida keydka, loo na baddelo dunida garashada. Waxaa jiraan waxyaabo badan oo uu qofka jecel ogaalka[aqoonta] uu ku samaysmi karo, uu na noqon karo qof wax cusub soo kordhiyo. Jawiga siyaasadeed waa mid aad muhiim u ah, kadibna jawiga waxbarasho kaas oo dhiirogaliya cilmiga, fikirka, hal'abuurka, labadaas jawi kadib waxaa imaanaayo manhajka waxbarashada, dhammaan arrimahaasi[Jawiga Siyaasadeed, waxbarasho, manhajka] waa kuwa mustaqbalka qofka sameeyo. Reer Galbeedku waa leeyihiin qaladaad manhajka ah, qaladaadkaasi na waxaa ka mid ah soo saaridda shaqaalaha la doonaayo, saamaynta(fara-faraynta) suuqa laguna saameynaayo aqoon iyo waxbarasho, iyo mararka qaar soo saaridda doqonka, balse waxaa jira cid dhiiran oo dhammaan arrinahaasi ku dhaliilo, meelo ka la duwan. Dhibtuse waa annaga, aamusnaanta waa hoggaanka xalka, keydinta waa hab-labiska aqoonta, dib u dhacana qarniyo ayuu nolosheenna haraadiyay, qof walbaana waxa uu ku nool yahay hurdo ilbaxnimo oo halis ah. W/Q: SH. Cabdiraxmaan Bashiir[Af-Carabi] W/T: Axmed Dhuubow[Af-Soomaali]

Abdulkadir dulyar Monday, August 8, 2022