FEKERKA IYO SU'AALUHU WAA MUHIIM.
Shacab ahaan waan is wada naqanaa, sidaan u wada fekereynana waan naqaanaa,
Waxaan nahay Shacab fekerka iyo wax isweydiinta aan jecleyn, Ineynu wax ka fekerno oo wax rogrogno ama aan isweydiino sidee waxaan noogu dhaceen iyo sidee loo xalin karaa, bedelkeeda waxeynu ka jecelnahay inaan iska socono, oo dabadeedna iyadoo mushkilado isbiirsaday nagu hareereysan yihiin aan iska dhimano.
In Alla inta dhibaato ka dhici karta dunida maanta dalkeenna wey kadhacday, innagana wey nagu dhacday, misna hal Su'aal oo maxeey waxaasi noogu dhaceyn ah oo aan iska weydiinay ma jirto .
Tusaale: Dalkeennii baa burburay. Su'aal iskama weydiin........Dadkeenaa is wada laayay. Su'aal iskama weydiin.....Siyaasaddii baan ku heshiin la’anahay, su’aal iskama weydiin........Dagaal diimeed baan dhexgalnay Su'aal iskamaan weydiin.....Dhalinyaradeenii qaar baa isqarxinaya, qaar baa la tooganayaa, qaar baa tahriibaya oo safar halis badan u badheedhaya,, qaar baa shaqo la’aan iyo mustaqbal xumo heysataa, Su'aal iskama weydiin......Dalkeenii baa Gobolo loo kala qeybiyay...... Su'aal iskamaan weydiin.....20 Sano ayaa dowlado naloo dhisayaa, waxaana maqalnaa 4tii sanaba waqtigii waa dhamaaday, maxey qabteen,& maxaa ka xumaaday.......midna su'aal iskamaan weydiino........Dhaqaalihii dalka & hantidii danta guud ayaa si bareer ah loo boobaa.....Su’aal iskama weydiino..... Baddeenii ayaa la iska gurtaa oo markaakiib dhex dhooban tahay......Su'aal iskama weydiino......Abaaraha & Fatahaaddaha....Su’aal iskama weydiino.......20 ayey Ciidamo shisheeye nagu kala dhexjiraan....su’aal iskama weydiino......dadkaa suuqyada iyo wadooyinka lagu dilaa, .......Su’aal iskama weydiino, Cadaaladdarada & amni xumada dalka ka jirta.......Su’aal iskama weydiino......dhaqan xumada nagu soo badaneysa....,Su’aal iskama weydiino.......intaa iyo inkaloo ka badan oo nagu dhacday, hadii aan wax iska weydiin laheyn ugu yaraan waan ku baraarugsanaan laheyn dhibteena, balse weli Su'aal iskamaan weydiin.
Mushkiladdu 30 Sano & ka badan ayey naheysataa welina waan iska daba wareegeynaa, inaan is eed eedeyno maahee, Siyaasi,waxgarad, Aqoonyahan, Culimo, dhalinyaro iyo Haweenba, Marna si dhab ah loogama fikirin, su'aalana layskama weydiin dhibta naheysataa waxa ay tahay,Iyo inta ay le'eg tahay, si xalkeeda dhabta ah loo abaaro.
Waayoo Fakerka & su’aashu waa cadowgeena, Qofkasta oo Su'aal ka keena arin waxa uu noqonayaa cadowgeena, qofkasta oo faker wanaagsan ka keena waxyaabaha inaga haleysan waa cadow, Ama wuxuu noqonayaa qof qaldan oo daasado laga dabo garaaco, ama wuxuu noqonayaa ruux aan la qabsan karin bulshada,
•Doodaha cakiran ee maanta dadyowga dunidu ka doodayaan waxaa kamid ah:- “HALOO NOQDO SIDII HORE IYO HALKA AY DUNIDU U SOCOTO HALA SII DAGO.”, ayaandaro Annaguna waxaas warba umaheyno, oo dhexdeenaa isku mashquulsan, Laakiin ogaada hadaan la fakerin oo aan waxwalba Su'aalo la iska weydiin waligeed runta lama gaarayo, mana xalismayaan mushaakilaad keenu sidaas daraadeed waa in dadka mufakiraadka ahi ay wax aaney dadka caadiga ah ka fakerin iyagu ka fekeraan oo isku mashquuliyaan, waayoo waa wixii uu iyaga Ilaaheey u abuuray.
Waad ogtihiin dadyowga ku nool dalalka horumaray 99% ma yaqaanaan Cidda u fikirtay Nabadda, barwaaqada , kala dambeynta, sharciyada iyo dowladnimada ay ku noolyihiin, waa suurtagal qaarkood in magacyadooda ay ku arkaan buugaagta, balse runtii dad yar baa u fakeray baraarahaa ay maanta heystaan, Waayoo dadka badankoodu majecla iney sidaa u fekeraan ama waqti ku lumiyaan wax wanaagsan oo ay miraheeda guran doonaan dad uusan aqoon waxa ay yihiin.
Mahadsanidiin.
=WAXAAD MAANTA BI’ISAAN BIRI HA U SHALAAYINA.=
WQ/-Abdulkadir Dulyar
Maxaa yaab isdabayaal.!!
WARBIXIN: FEKERKA & SU’AALUHU WAA MUHIIM.!! WQ/-Dulyar
Abdulkadir dulyar
Sunday, July 3, 2022