-MADAX FARAXSAN.!!
Saakay hadii Alla idmo waa maalin kaloo qiimo weyn noo wada leh, waa maalin ay labadeena Madaxweyne xilka si nabad ah isugu wareejin doonaan, waa maalin aan inbadan xusuusan doono oo taariikhda ku qormeysa, waa maalin ay Soomaalidu ka fileyso isbedelka dhacay mid wax ka qaban doona mushkiladaha ka jira dalkeena Iyo baahiyaha ay qabaan dadkeenu, sidaas daraadeed waxaan rabaa inaan halkaan labo fariin oo gaagaaban kula wadaago Madaxweynaha xilka ku wareegaya iyo shacabka Soomaaliyeed.
- MADAXWEYNAHA:- Madaxweyne saakay marka aad xilka la wareegto waxaa ku fuuli doona culeys badan, waxaana kuu bilaabanaya bog cusub oo aad 4 sano kadib ka akhrisan doonto xumaan iyo wanaag wixii aad ku qorato mudada aad Adigu qalinka gacanta ku heysato,
-Madaxweyne, Anigoo og in aad ka dhan tahay in wax laguu sheego, maadaama aad tahay waayo arag horey uga soo shaqeeyay xaafiiska uu Saakay furihiisa la wareegayo, hadana tani waa fursad qaaliya oo marlabaad ku soomartay, balse aadan ogeyn iney mar Sadexaad ku soo mari doonto, sidaas daraadeed waxaan kugu baraarujinayaa inaad dedaal badan geliso sidii mudada aad hogaamineyso dalka iyo dadkaba aad ugu sameyn laheyd Taariikh wanaagsan oo lagugu soo xasuusto, laguna ilaawo dhaliilaha loo tiriyo shaqadaadii hore,l
-Aan kuu raaciyo Madaxweyne, hadda Tareenkaaga waa la wada saaran yahay, balse rakaabka saarani waxey isha ku wada hayaan , RW aad soo magacaabi doonto iyo Xukuumadda aad soo wada dhisi doontaan nooca ay noqoto, waxaa dhici doonta maalmahaas aad qaadato go’aamada qadhaadh iney tareenkaaga ka degaan saaxiibo badan oo hada rakaabkaaga ka mid ah, sidaas daraadeed waa inaad meel u sii dhigato farsamadii aad mucaarad iyo muxaafidba isugu wadi lahryd.
- ugu dambeyn Madaxweyne, , hadaad horey u ogeyd iyadoo uu Aqalka Hoose ee Baarlamaanku shacabka matalo & iyadoo Aqalka Sare uu matalo Maamul Goboleedyada, hada sheekadaas meesha ma taalo, waxwalbana waxaa bedelay doorashadii sanadkaan dalka ka dhacday, oo sida muuqata laga dhaxlay in Baarlamaanka 11aad uu gebigiisuba Aqal sare iyo mid Hoosaba wada noqday mid Siyaasadda ku matala Maamul Goboleedyada, waana arin qatarteeda leh oo awood badan siineysa Madaxweyne Goboleedyada dalka oo hada inta badan Xildhibaanada gacanta ku kala haya, sidaas daraadeed waxaan kugula talinayaa inaad ka digtoonaato arinkaas aan hada kuu qishay, oo aad si taxadar leh uga shaqeyso sidii ay labada Aqal ee Baarlamaanku ugu kala madax banaanaan lahaayeen shaqooyin kooda.
-SHACABKA:- Maryooleey horta isriix riixii iyo wax kala jiidashadii ama baqbaqdii iyo fararaqdii waa laga soo gudbay,marhadii doorashadii lagu kala guuleystay, tankale majirto wax dan ah oo shacab ahaan noogu jirta in 4tii sanaba kooxina ahaato mucaarad,kooxna ahaato muxaafid, dabadeedna aan 4ta sano ee ku xigta xilka ula kala wareegno sida ay Madaxweyna yaasheenu xilka ula kala wareegaan oo kale, dhaqanka noocaasi ah waa mid dib u dhac weyn ku ah horumarka bulshada,akhlaaqda iyo mustaqbalka jiilasha soo koraya, sidaas daraadeed Waxaan idinkula talinayaa in waqti la siiyo Madaxweynaha iyo RW uu soo magacaabi doono,
Ma diidani Mucaaradnimo, , waana loo baahan yahay in Siyaasaddu yeelato mucaarad iyo muxaafid iskula xisaabtama shaqada dowladda, si aaney koox gaar ahi awoodda ugu tagri falin,waana iney mucaaradnimadu noqotaa tilmaamid & toosin, oo aysan noqon mid wax noo dhibeysa, laakiin hada waxaan ujeedaa dhinacyo badan oo iyadoo uusan Madaxweynihii ladoortayba kursiga ku fadhiisan howshooda sii bilaabay, taasina ma aha mid sax ah, ma aha mucaaradnimo wax noo dhiseysa, waayoo madaxdu waa adeegayaal bulsho oo mudo cayiman loo doortay iney dadka u shaqeeyaan, marka micno badan inooma laha in aan waqtigeena ku lumino hebel iyo hebel,ee waxaa micno weyn noo wada sameynaya inaan shaqadooda ku mashquulno kulana xisaabtano, waana sida ay ilbaxnimadu tahay in madaxda lagu kala taageero ama lagu kala mucaarado waxqabad kooda iyo waxqabad la’aantooda.
Halkaas markeey taagan tahay, horta saakay aan si daacad ah ugu wada duceyno Madaxweynaha in ilaahey uu u fududeeyo shaqada adag ee hortaala, marka xigana aan isgarab taagno dowladnimada, mar hadaan soo wada aragnay in Madaxda keligood aaneey dalka waxba ka qaban karin, maahmaah baa oraneysa, gacmo wadajir bey wax ku gooyaane, bal aan doorkaan shacab ahaan buuxino kaalinteenii mudada dheer banaaneyd, dowladnimada aan wax ku darsano, si uu Dalkeenu uga baxo faqriga,Amni xumada, jehawareerka Siyaasadeed, dib u dhaca iyo dhibaatooyinka bini’aadanimo ee ku hor gudban horumarkiisa iinshallah.
WAA ARAGTIDEYDA/-
WQ/-Dulyar 23-May,2022
-Madax faraxsan & Shacab faraxsan/-
Mahadsanidiin/-
WARBIXIN:- MADAX FARAXSAN. WQ/-Dulyar
Abdulkadir dulyar
Monday, May 23, 2022