QORMO:- GOORMAAN GARAADSAN DOONAA.!!!


 ———————-//———————//—————--------------------------------//------------------------------//
“Markaan yaryareyn waxaa nalaku barbaain jiray ixtiraamka dadka naga waaweyn wadaniyad iyo dal jaceyl, waxaana nala oran jiray waxaad tihiin madaxda birito lkn markaan Madaxdeenii doraato ladagaalnay ayaa Anagana waxaa na dagaal galiyay oo nala lumay Madaxdeenii shalay, Hadda ha ogaadaan Wiilasha iyo Gabdhaha loo horseedayo Cayda madaxdooda maanta hadii ay biri qaarkood Madax noqdaan oo ay sidaan oo kale u caayaan Madaxda Saadambe,in ay tahay nabsi ay shalay Galen oo laga gudayo “
WQ/- Abdulkadir Dulyar 
————————-//————————-//———--------------------------------//------------------------------//



Intaas kadib, Waa nasiib daro aan saakay ku waabariistsy xalayna ku seexday Anigoo dhabanada heysta wixii kakala dhacay Gobolada Jibooyinka ee halkudhigyada loogu kala dhigay AXMAD MADOOBE DOONI MEYNO & FARMAAJO HA DHACO.
Waa ayaan daro kale in damiir laawayaal ay Ubixii wadanka ee la doonayay in lagu barbaariyo Dowladnimada iyo ixtiraamka madaxdooda, taa badelkeeda maanta inta waxbarashadoodii laga soo kaxeeyo oo la soo tubo ciridda in la yiraahdo ku dhawaaqa ceyda Madaxdiina Gobolka iyo Madaxdiina Dowladda Dhexe.

Bal dib u eega taayiro la gubo iyo caruur iyo laga cabaadsiiyo waxay na dhaxashiiyeen.
=M.S.Barre, dooni mayno 
=Caydiid, ha dhaco 
=Cali Mahdi, ha dhaco 
= Hogaamiye kooxeed dooni meyno 
=Wadaad xume, ha dhaco 
=Alshabaab dooni meyno 
=Shisheeye kalkaal, dooni mayno 
=Kmg ,ku ha dhaco 
=Dowlada dhexe, ha dhacdo 
=Danteena, dooni mayno 
=Dantiisa, dooni mayno 
=Dantooda, dooni mayno 
=Iyo qaar kaloo badan 

MAXAAN DIIDEYNAA MAXAANSE DOONEYNAA WAA YAABE? Yaa arkay shacab ama siyaasi u soo ban baxaya waxaas baan doonaynaa? YAAB & DHABANAHEYS .

Dhanka kale,  DOONI MAYNO IYO HEBEL  HA DHACO,  xal maahane Raga is raadsanayoow intaad dumarka iyo caruurta gadaashooda ka soo baxdaan lahor imaada bulshada wax la taaban karo oo aad isku heysataan, hadii kale Runta iyo dhegaha isku fura dadka & dalkuba maanta  fowdo iyo dagaal dambe oo  bowdya qaawis ah  ma xamili karee ....

=Abwaan Mohamed Sahal baa horay u yiri:-

-Kismaayaan xoreeyey & Jubbaan ciidan xalay geeyay,
-Xalanaa difaac ii ah iyo Anaa heysta Madaxtooyo 
-Xal ku gaari meysaan oo waad ku xanibmeysaane,
_Hogaamiyayaasha xeyraamayow,dhima xawaareynta, 
_Xakameeya damaciinu waa xowli dheer yahaye,
_Xirfad kale la soo baxa Dagaal waa xaraar yahaye 


=HADII KALE WAXAAD MAANTA BI’ISAAN, BIRI HA U SHALAAYINA.!!

FG:- Anigu ma rabo inaan ka hadlo  Siyaasada iyo waxyaabaha hoose ee  la isku hayo ama noo muuqda, kaliya waxaan ka hadlayaa oo idhibtay Caruur taas Iskooleyda ah ee  lagu gardaadinayo ceyda madaxdooda labada dhinac ah ee aan aqoon waxa la isku hayo ama ujeedada ka dambaysa isu soo baxyadooda & cawaaqibta ficiladooda..

Mahad sanidiin/=

TANI WAA ARAGTI DEYDA /=

WQ/- Abdulkadir Dulyar 
Mogadishu.

Abdulkadir dulyar Tuesday, August 28, 2018