DAAWO WARBIXIN:- XIISADA JAWAARI & KHEYRE XAGEE SALDHIGAN DOONTAA.? 2018@Dulyar







HALKAN KA DAAWO WARBIXINTA OO MUUQAAL AH:- 
https://www.youtube.com/watch?v=KM-h83HRy24&t=123s


====================================================================
WARBIXIN: XIISADDA SIYAASADEED EE JAWAARI & KHEYRE  XAGEE SALDHIGAN DOONTAA.? .. Abdulkadir Dulyar 
Kalafadhiga 3-aad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa 10-kii Maarso ka furmay Xarunta Fadhiyada Baarlamaanka ee M/Muqdisho, waxaana jiray nuxnux iyo Guuxyo fara badano o lagu  soo kala kariyay Dalka gudihiisa & dibadiisaba mudadii lagu guda jiray fasaxa Baarlamaanka
Balse Kalafadhiga sadexaad  waxaa horyaalay oo laga sugaya in ay ka doodaan  qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan yihiin, Dib u eegista Dastuurka,iyo ugu yaraan 10  Xeer sharci oo ay Xukuumadu soo diyaarisay ,islamarkaana uu  ka mid yahay Xeerka Jinsiyadda,oo ah Xeer doodihiisu aad u adag tahay, Dejinta shuruucda Federaalka, Xaddeynta awoodaha maamulka, Sharciyeynya nidaamka Xisbiyada badan iqb. waxaase si dag dag ah ugu soo biiray Ajeenda yaashooda  Xiisadda dekadda Berbera iyo Shirkada DPW iyo Mooshino kala duwan oo Xildhibaanadu kilkilaha ku kala wateen.
COD COD COD
Sidoo kale Xildhibaanadu waxa ay isha ku hayeen labo xaaladood oo ku furan Xukuumadda Raysal wasaare Kheyre, kuwaas oo kala ah;=
=Arinta Canshuuraha ay soo rogtay Wasaaradda maaliyadu oo doodi ka taagneyd kalafadhigii 2-aad,
-Iyo khilaafka  ka dhex oogan Gudiga dastuurka Baarlamaanka, & wasiirka Dastuurka oo lagu eedeeyay in uu hor taagan yahay howlaha dib u eegista Dastuurka,
 Kalafadhigan 3-aad maadaama sanad la isku barto la soo wada shaqeeyay  ayaa sida Xildhibaano badani qabeen waxa uu noqday  kii ugu adkaa  ee  ay wajahdo Dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo,dhanka kalena sababa iney rumowdo saadaashii aheyd  in uu sababo isbadel ka dhaca Dalka, waxa ayna  iminka u muuqataa in dhabahaasi lagu socdo  ka dib markii  si lama filaan ah ay  tiro Xildhibaano ahí mooshin uga keeneen Gudoomiye Jawaari, sido kalena la hadal hayo in uu jiro Mooshin kale oo laga sido Xukuumada oo hogaamiyo Raysal wasaare Kheyre.
COD COD  
Mooshinka Jawaari ayaa ku soo beegmaya Maalin ka did markuu uu Baarlamaanku cod aqlabiyad leh dalka kaga mabnuucay Shirkada DPW ee Imaaraadka laga leeyahay ka dib markii ay qandaras la gashay Somaliland, si ay u maamusho Dekedda Berbera.
Sidoo kale Mooshin kani waxa uu yimid maalmo ka kadib, markii Gudoomiye Jawaari & maamulka Baarlamaanku ay Dowlada Turkiga la saxiixdeen mashruuc lagu dhisayo Aqalka baarlamaanka oo ay ku kaceyso lacag dhan $100 Milyan, oo doolar.

Balse isbuucii la soo dhaafay ayay xildhibaano mooshin lama filaan ah ka keeneen guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari.
Mooshinka Jawaari OO MACNEYNAYA.
Waxaa dabadeed mooshinka guddoomay ku xigeenka Jawaari, Md Cabdiwali Muuday, waxaase dhacay arrimo isbadalo ah oo xawli ku socday sida :-
Guddiga joogtada ee baarlamaanka ayaa shir jaraa'id ka sheegay in mooshinkii Jawaari uu jabay maadaamaa ay ka noqdeen 107 xildhibaan, sidaasi darteedna ay kusoo hartay iminka 91 xildhibaan, taas oo aanan buuxinaynin kooramkii loogu talogalay inay mooshin ka soo gudbin karaan hogaankooda.
COD COD COD
Goobtaas shirka jaraa'id waxaa fadhiyay Cabdiwali Muuday, balse saacado kadib ayuu warbaahinta la hadlay, wuxuuna sheegay in mooshinka uu meelmaray, isaga uu gollaha horgeyn doono.
COD COD
Waxay noqonaysaa markii koowaad oo mooshin laga keeno Prof Maxamed Cusmaan Jawaari oo ay u tahay markii labaad oo uu noqdo guddoomiye baarlamaan.
Baarlamaankii sagaalaad oo codka kalsoonida uu baarlamaanka kala laabtay labo Ra'isulwasaare, Jawaari ma jirin wax mooshin ah oo laga keenay.
Balse Raysalwasaare Kheyre,waxaa loo tiriyaa tan intii la soo magacaabay in Xukuumadiisu ay  ku lug lahayd, Dhiibistii QALBI DHAGAX  oo gilgishay kalsoonidii Dowlada,  Khilaafkii Hirshabeelle ee Xilka lagaga tuuray Madaxweynihii hore Md Cali Cosoble, Xiisadii Galmudug ee Madaxweyne Xaaf ku sigtay in uu tareenka kaga dago, Xil ka qaadistii Gudoomiyihii hore ee G/Banaadir Md Taabit Abdi, iyo isku dhacyo kale oo dhexmaray Siyaasiyiin Mucaarad ku ah Xukuumadiisa oo qaar kood sababay dhimasho iyo dhaawac.

Hadaba su’aashu waxa ay tahay Maxaa lagu eedeeyay Jawaari

Sida ku qoran warqadda mooshinka, xildhibaanada keenay ayna warbaahinta marar kala duwan u sheegeen, waxaa Gudoomiye Jawaari lagu eedeeyay qodobo ay ka mid yihiin ….xil gudasho la'aan, cabburin aragtida xildhibaanada iyo eedeymo kale oo culculus. Balse dadka siyaasadda tacliiqiyaa waxa ay qabaan in ay jiraan arimo kale oo la qarinayo oo u dhexeeya labada masuul  xaalkuna yahay BAROORTU ORGIGA KA WEYN.
COD COD COD.

Yaa gadaal ka riixaya mooshinka Jawaari?

Porf Maxamed Cusmaan Jawaari oo isna maalintaa  shir jaraa'id qabtay ayaa si toos ah xukuumadda iyo Ra'isulwasaare Xassan Cali Kheyre ugu eedeeyay in ay gadaal ka riixayaan mooshinka, wuxuuna sheegay in xitaa amnigii baarlamaanka ay la wareegeen ciidammo aanan guddoonka baarlamaanka ka amar qaadanin oo ay soo direen laanta fulinta, isaga oo intaas ku daray in loo baahanyahay in uu baarlamaanka ku shiro meel madaxbanaan.
COD COD COD
Maalinkii xigtay waxaa dhismaha golaha baarlamaanka la wareegay ciidammo ka socda Midoowga Afrika (AMISOM), kuwaas oo waajibaadyadooda koowaad ay ka midyihiin illaalinta xarumaha waaweyn ee dowladda sida baarlamaanka, Madaxtooyada iyo meelaha muhiimka ah.
Dadka taageersan Jawaari ayaa sheegay in xildhibaanada mooshinka keenay ay ku jiraan xubnaha golaha wasiirada, kuwaas oo ka tirsan baarlamaanka.
Balse Labo maalmood kadib waxaa shir jaraa'id kasoo muuqday qaar ka mid ah golaha wasiiradda oo Jawaari ugu baaqay in uu iscasilo, haddii kale ay meelmarin doonaan mooshinka.  COD COD COD
==============================================================
Ugu dambeyntii Prof Jawaari ayaa ogolaaday in mooshinka cod la galiyo, balse waxa uu shuruud ka dhigay in muddo 10 maalmood gudahood ah codkaas lagu qaado, islamarkaasna kulanka lagu qabto meel dhexdhexaad ah, sida uu hadalka u dhigay.
COD COD COD
Iyada oo uu Jawaari ogolaaday in mooshinka codka la galiyo, ayay wali sii socdaan kullamadii ay lahaayeen xildhibaanada ka keenay mooshinka , iyo baaqyadii ahaa in uu is casilo, taas oo keentay in taageerayaasha jawaari su'aal geliyaan sababta loo sugi la'yahay waqtiga mooshinka, haddiiba ay kalsooni ku qabaan in ay heystaan cod ku filan in Jawaari la rido.
Inkasta oo Ra'isulwasaaraha iyo madaxweynaha aysan marnaba ka hadlin qalalaasaha siyaasadeed ee jira, ayay  dad badani wax iska weydiinayaan sababta uu madaxweynuhu uga aamusan yahay is qabqabsiga Xukuumada & baarlamaanka ee ka socda Dalka, balse Aqalka sare ee baarlamaanka oo goor sii horeysay sheegay in uu u istaagay xalinta khilaafka siyaasadeed ee ka socda dalka, ayaa waxa uu sheegay in uu weli socdo dadaalkoodu isla markaana ay la kulmeen dhinacyada is haya iyo madaxweynahaba, isla markaana uu Madaxweynuhu u balan qaaday in uu kaalintiisa ka geysanayo  qaboojinta xiisadda ka dhex aloosan Prof jawaari & Mr Kheyre,
COD COD COD .
Dad ka qaarkood  ma rumeysna in hadalka Madaxweynuhu yahay mid ka dhab ah, oo waayoo waa goorma goorta laga soo warinayo hadlkaas, waa goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen oo khilaafku uu gaaray heer faraha laga qaad ah iyo in  dhinacyada is haya uu mid waliba taagtiisa ciyaarayo  lana kala dhintay oo aan la isku uur fiyoobeyn.oo  waxa ay leeyihiin dadkaasi waxa ay aheyd in  Madaxweynuhu  uu mar hore u istaago wax ka qabashada arintan,  balse taa badalkeeda   Madaxweynuha oo lagu tuhmayo in uu u toog hayay Duufaanta soo socota ayaa waxa uu  inta aanuu dagaalku bilaabanba xamaamadiisa u qaatay una guuray Wasaarada Gaashaandhiga,  iyadoo guuris tiisana lagu macneeyay   inuu   ku howlan yahay Dib u habeynta Ciidamada iyo abaabulka iyo diyaarinta  guluf weerar oo  lagu qaado deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin dalka, taas oo u muuqata mid uu Madaxweynuhu  dhegaha ka fureysanayo  hadalada iyo doodaha siyaasadeed ee  is diidan ee ka socda hareerihiisa.

Si kastaba ha ahaatee, Ka dib ,markii si weyn la isugu waafaqay in la gudogalo oo cod loo qaado Mooshinka laga keenay gudoomiyaha, ayaa waxa ay iminka doodi ka timid qaabka loo marayo cod qaadista iyo halka lagu qabanayo kulankaasi oo lagu kala aragti duwan yahay,
Balse Sida ku qoran Qodobka 65aad ee dastuurka, faqrada 4aad, guddoomiyaha iyo ku-xigeennadiisa waxaa codayn qarsoodi ah ku doorta aqlabiyadda tirada guud ee xubnaha golaha shacabka ee federaalka ah, xilkana kaga qaada codbixinta saddex dalool laba dalool xubnaha golaha shacabka federaalka ah.
Taas oo ka  dhigan in ay mooshinka ogol ugu codeeyaan 184 Xildhibaan, markaas oo uu Gudoomiyuhu luminayo kursigiisa, balse si uu uga badbaado mooshinkan waxa uu Gudoomiyuhu u baahan yahay oo kaliya 92 Cod oo maya ugu codeysa mooshinka laga keenay,

Beesha caalamka ayaa dhankooda walaac ka muujiyay is qabqabsiga u dhaxeeya madaxda dowladda. Waxaana socda isku dayo ay ku doonayaan in ay ku xaliyaan khilaafka balse uma muuqdo mid mira dhal noqon kara, maadaama qaar ka mid ah Xildhibaanadu durba ku eedeeyeen Wakiilka QM ee Soomaaliya Mr Keating  in uu faragalin ku hayo arimaha soomaaliya


Marka si dhab ah loo abaaro halka asal ahaan khilaafka  maanta socoda  uu ka dhashay iyo halka uu ka soo bilowday waxaa laga yaabaa in dad badani  ay aaminsan yihiin inay tahay dood ku  dhalatay si kadiso ah ama ka abuurantay Diidmadii Shirkada DPW ay diideen Baarlamaanku, balse dadka xog ogaalka u ahí waxa ay kuu sheegayaan in khilaaf kani uu ahaa mid ka soo bilowday magacaabistii  Gudiyada joogtada ah ee Baarlamaanka, iyo Xildhibaanada loo magacaabay in ay baarlamaanka wakiil uga noqdaan Ururada Caalamka sida Urur Goboleedka, IGAD, kan wadamada Islaamka OIC, kan Jaamacada Carabta, iyo Ururo kaloo caalamiya. Waxaana asal ahaan ololaha doodan soo bilaabay Xildhibaano barigaa  ka cadhooday markii laga reebay magacaabis taasi,iyo tabashooyin kale oo is biirsaday, waana arin  soo socotay 6-dii bilood ee ugu dambeysay. Balse waxa uu qaraxa ka dhashay  cadhadaasi ku soo beegmay  baa la oran karaa  furitaankii  kalfadhiga sedexaad ee baarlamaanka
Ugu danbeynti, Dad badani kuma faraxsana waxa ka dhex socda Madaxda dalka dhexdeeda  oo ah  wax sababi kara in ay Shacabku ka niyad jabaan  wixii ay hiigsanyeen, oo  taa badalkeeda waxa ay ka jeclaan lahaayen in Madaxda  soomaalidu ay noqdaan  kuwa la yimaado waxqabad & horumar halkii ay ku mashquuli lahaayeen is qabqabsi iyo khilaaf joogta ah,

Waxaase jira dhowr caqabadood oo heysta horusocodka Baarlamaanka, iyo in  Baarlamaanka & xukuumadu noqdaan labo Hey’adood oo isla xisaabtama, tan koowaad waa Golihii wasiirada oo u badan Xildhibaano, Sidoo kale waxaa baarlamaanka ku wada jira Xildhibaano kala dan ah oo u kala adeega Siyaasado kala duwan oo iminka jira iyo kuwo Mustaqbalka loo geed qaadayaba,  iyo Madaxdii sare oo Xildhibaanada kula gorgortama in ay Xilal u magacaabi doonaan hadii ay howshaa iyo arinkaas la  fuliyaan, iyo tan ugu darán oo ah Baarlamaanka qudhooda oo ay ku  dhex jiraan niman mooshin ku u yahay shabaag  nasiibeed ay wax ku helaan si ay  danahooda   ugu  fushadaan........hadii aan arimahaas xal loo helina Mooshinka iyo is qabqabsigu Hey'adaha Dowladu waa sii socon doonaan, balse  iminka maadaama waanwaan kasta oo socotay ku soo idlaatay natiijo la'aan  waxaa loo wada dheg taagayo waa  sida ay wax u dhici doonaan  iyo cidda reerka u hadhi doonta Kheyre & Jawaari,

Abdulkadir Dulyar
Hctv Muqdisho.

Abdulkadir dulyar Saturday, March 31, 2018