WARBIXIN:- SUXULOOW WAA SAXAR.!!! { xigasho}

Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa ‘ili ayaan badanaa, hareeraheeduna ayaan daranaa’. Odhaah kale ayaa u dhigan sidan “Ileey ama
itaal lahow, ama ayaan lahow, waxana ay dooratay ayaankii!” Waxa ay se ila tahay in ishu aanay wax dheeraad ah ka sidanin jidhka intiisa kale bal se “ayaan badnaanteeda” loo tiirin karo uun aragga ay iska arki karto halisaha oo markaa ay baalasha is-qabadsiiso ama (iyadoo kaashanaysa maanka) ay dhinac isaga barbariso halis ku soo fool leh. Ishu aad bey ugu nugushahay walxaha soo-galowtiga ku ah gurigeeda ama baradeeda.
Waxa ugu yar ee dhibaatayn kara waxa ka mid ah saxarka. Doorroonaanta araggu u leeyahay noolaha awgeed, dadku ma fududaystaan waxa ugu yar ee soo gaadha isha. Markiiba qofku waxa uu cid kale ka raadsadaa gacan siin. Ciddaasina si hagar la’aan ah ayay ugu fidiyaan wixii samato bixin ah. Markiiba waxa la arki karaa qofkii isha saxarku ka gaadhay oo isu dhiibay qofkii kale ee uu wax-tar biday. Indhaha ayuu u kala qabtaa, marna baalasha ayuu kala jiidaa, mar kor marna hoos eeg buu ku yidhaahdaa, isagoo indhaha ku biniininaya oo raa- dinaya meesha ay taallo walaxda soo-galowtiga ah. Haddii ay dhibtu ka timid ciid ay sidatay saxar-qaad dabayleed, waxa uu isku dayaa in uu xoog ugu afuufo isha gudaheeda, isa- goo neef ka buuxiyay labada can, dibnahana (bushimahana) soo ururi- yay si uu u xoojiyo xawaaraha neefta – in ku filan in ay isha ban- naanka ka soo

Abdulkadir dulyar Thursday, October 6, 2016